”Sucuudiga & Imaaraadku waxay maalgeliyaan argagixisada caalamka!!”

0

(Dubai) 28 Luulyo 2019 – Siyaasiga caanka ah ee Faarax Macallin Dawaara ayaa eed culus dusha uga tuuray guud ahaan dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sucuudiga & Imaaraadka.

Wuxuu ka marqaati kacayay war uu jeediyay Madaxwaynaha Somalia oo ku saabsanaa in kooxaha xag-jirka ah ee Somalia ka dagaallama ay yihiin ”doqomo dadkoodii & dalkoodii lagu diray”, balse aysan u dagaal tegi karin.

Wuxuu Twitter kusoo qoray: ”Taasi waa isla sida ay wakiillada dalalka Khaliijku ku sameeyeen dunida Islaamka. Argagixisada Sucuudiga & Imaaraadku waxay burburiyeen nolosha cid kasta oo dunida ku nool oo ay ku jiraan daarihii Ganacsiga Adduunka (NY), balse Khaliijkooda ma taaban.”

”Dalalka Afghanistan, Syria, Somalia adigu magacoow. Saudi/UAE ayaa maalgeliyay (dagaalladaasi)!!” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media