Maxaad ka taqaannaa Boris Johnson Cismaan Cali Kamaal? (Baro abtiriska qoyskiisa)

0

(London) 27 Luulyo 2019 – Nin awoowayaashii Muslimiin ahaayeen, hadana Muslimiinta aad uga soo horjeeda, ayaa loo doortay Raysalwasaaraha UK.

Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Tory-ga ee UK xukuma, wuxuu sidoo kale noqday Raysalwasaaraha cusub ee UK, isagoo horay usoo noqday maayarka magaalada London iyo Wasiirka Khaarajiga ee dalkaasi.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa geedka qoyska uu kasoo tafiirmay ninkan oo dabcan ah qoys Muslim ah oo Turki ah.

Boris waxa uu ku dhashay New York. Aabihiis waxa uu ahaa xildhibaan Midowga Yurub ah. Marka asaliyaddiisa loo laabto waa Turki. Awoowgiis labaad Ali Kemal ayaa mar kamid aha wasiirradii arrimaha gudaha ee boqortooyadii Cusmaaniyadda.

Ali Kemal waa la dilay, waxa uuna ku dhintay dagaalkii turkida ee lagu jabshay cusmaaniyadda. Mid kamida wiilashii uu dhalay oo la oran jiray Osman Kemal oo UK soo galay lana baxay magaca Wilfred Johnson ayaa dhalay aabaha Boris Johnson ee Stanley Johndon.

Boris awoowayaashi waxa ay ahaayeen muslimiin hogaamin jiray Cusmaaniyadda.

Sidaa darteed, wuxuu abtiriska qoyskiisu noqonayaa Boris Johnson Cismaan Cali Kamaal.

Hadalsame Media