Kooxda Juventus oo koox Ingiriis ah u gudi lahayd ABAAL 116-jir ah! (Waa kooxda u sabab ah inay Juve ku ciyaarto funaanadda Caddaan-madowga)

0

(Torino) 27 Luulyo 2019 – Kooxda Juventus ayaa isku dayday inay abaal 116-jir ah u guddo kooxda Notts County ee dalka Ingiriiska oo ay doonaysey inay dharkeeda siiso si ay ugu ciyaarto, balse waxaa caqabad ku noqday arrimo qandaraas.

Kooxda Bianconeri ayaa sida la og yahay ku ciyaari jirtey funaanad casuus ah, balse waxay u bedesheen midabbada dameer-farowga ee madowga iyo caddaanka oo ay ku ciyaarto kooxda Notts County oo funaanadeeda amaahisay sanaddii 1903-dii.

Yeelkeede, haatan oo ay xaaladdu caksi tahay oo ay Notts County ku jirto xaalad dhaqaale xumo oo aad u ba’an, ayuu warqaadka Nottingham Post wuxuu daboolka ka qaadayaa in xildhibaanka Lilian Greenwood uu warqad u qoray maamulka Juventus oo uu waydiistey inay abaalkii loo galay iminka gudaan.

Juventus ayaa muujisay inay aad ugu faraxsan tahay inay abaalkaa guddo, iyadoo warqad kale ku celisey si loogu faahfaahiyo qaabka loogu soo diri karo funaanadaha Juventus ee fasal-ciyaareedkan 2019-20.

“Marka la eego xiriirka fog ee labada naadi, Juventus way ku faraxsanayd inay funaanadeheeda cusub,” ayuu yiri madaxa warfaafinta Juve Claudio Albanese.

Wuxuu sheegay inay la xaajoodeen sharikadda Jarmanka ah ee Adidas, taasoo iyaduna sheegtay inay diyaar u tahay waxayna markiib la xaajoodeen Notts County si ay agabka iskugu dubba riddo.

“Nasiib xumo, sida soo baxday, naadigu wuxuu qandaraas 2-sanadood ah kula jirey sharikadda Puma taasoo u diidaysa inay xirtaan funaanad ay sharikad kale farsamayso.” ayuu raaciyay.

Notts County ayaa ahayd kooxdii ugu horreeysey ee Juve ku wahahda gegada Juventus Stadium markii xarigga laga jaray 2011-kii, taasoo ku dhamaatay 1-1.

Hadalsame Media