DHUGMO SOOFAYSAN: Muhiimadda ay leedahay inaad wax kasta si fiican uga FIKIRTO!

0

(Hadalsam) 27 Luulyo 2019 – In aad wax loogu dhabo galo oo caqli iyo dhaayaba la siiyo islamarkaana maskaxda la tuujiyo inta aan go’aan hal haleel loo qaadan waa arin wanaagsan oo dadyoowga dunidu isku raacsan yihiin Muslim iyo gaal.

Sidoo kale diinta islaamka aad ayeey u boorisay dhugmo yeelashada wanaagsan iyo in aan arin lagu deg degin ilaa la hubiyo.

Marka laga hadlayo culuumta maadiga ah waxa la yiraahdo critical thinking ama dhugmada soofeysan waxay qeyb weyn ka qaadataa daraasadaha iyo soo saarista ama hindisida wax yaabo muhiim u ah nolosha.

Marka ay timaado diimaha qalin maal badan ayaa ku doodaya in critical thinking uu wax u dhimayo caqiidooyinka diiniga ah oo ay dadku aaminsanyihiin.

Daisy Grawel oo ah inan Phd heysata oo baratay cilmi nafsiga waxa ay ku doodeysaa in fikirka aadka u fiiqan ee wax kasta lagu eego uu hoos u dhigayo diimaha ay dadka aamisanyihiin.

Khazi Owais oo bartay sharia law sharciga islaamka ee xukunka waxa uu sheegay in diinta islaamka ay baraarujisay fikirka wanaagsan iyo arimaha laga fiirsado balse taasi aanay ku jirin waxyaabaha muqadaska ah sida sharciga iyo axkaanta quraanku jideeyay oo aan u baahneyn critical thinking.

Waxaa Qoray: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media