DAAWO: Qabka Zidane, khaladka Courtois & khasaarada Real, ninka qura ee ku qoslayaa waa Bale! + Sawirro

0

(East Rutherford, NJ) 27 Luulyo 2019 – Qabtaha Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa lagu qoslay kaddib markii uu sheegay inuu yahay goolwalaha 1-aad ee dunida, kahor kulankii ay kaligii shabaqiisa 5 gool ku beegtay kooxda ay coltamaan ee Atletico.

‘Courtois isagaa lugta iska toogtey saacado yar uun ciyaarta kahor,’ ayuu qoray Diario AS. ‘Mar uu waraysi siinayay saxaafadda dalkiisa wuxuu yiri: “Waa iska caddahay inaan haatan ahay qabtaha 1-aad ee dunida”.

‘Hagaag waa lambar 1 ay 5 gool ka dhalisay Atletico. Weligaa ma arag Iker Casillas ama Keylor Navas oo waxaas oo kale la imanaya. Waxayna qaadeen 6 CL labadoodu. Marka la yaab malaha haddii lagu orriyay kaambiyadii hore.’ ayuu faalladiisa ku yiri wargaysku.

Zidane ayaa isna lagu khilaafsan yahay in uu Courtois ka doorbido Navas, iyadoo ay taageerayaasha Real jecel yihiin ama door bidayaan in la safo qabtaha reer Costa Rica, halka ay doonayaan in Courtois koobka Spain la dheelsiiyo ama la iibiyo.

Madrid ayaa sidoo kale tebeeysa caaboonaanta iyo tillaabada  Gareth Bale oo kaydka ka daawanayay ciyaarta tan iyo daqiiqaddii 62-aad, isagoo arkayay weerarka ilka la’aanta ah ee kooxdiisa, xilli uu Zidane oo horay kooxda uga diray Cabellos uu ku adkaysanayo in aanu Bale u baahnayn, taasoo loo arkay arrin aan maan-gal ahayn.

Hadalsame Media