Al Shabaab oo wax ka bedeleeysa qaabka ay u fuliyaan qaraxyada (DF ma ka warqabtaa?)

0

(Muqdisho) 25 Luulyo 2019 – Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay inay wax ka bedeshey xeeladihii ay u fulin jirtey qaraxyada ay ka gaysato magaalada Muqdisho.

Dad xog ogaal ah oo ka tirsan DF Somalia ayaa Hadalsame u sheegay inay fahamsan yihiin oo ka war hayaan xeeladda Al Shabaab ee cusub oo ah in bedelkii gawaarida lagusoo xiri jirey la adeegsado dad is qarxinaya.

Saraakiisha aannu la hadalnay ayaa sababta ugu wayn ee isbeddelka keentay ku sheegay inay inta badan haatan adkaatay in gaari qarax ku rarani uu gudbo, waloow ay mararka qaar taa afteeda ku guulaystaan.

Madaxda Amaanka ayaa sheegay inay la macaamili doonaan haddii uu yimaado isbedel dhanka taatikada dagaalka ah oo noocan ah.

Hadalsame Media