DANI DAGAN: Kismaayeynta Garoowe iyo dhagarta loo dhigayo Madaxweyne Dani

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2019 – Dhacdooyinka isdaba joogga ahaa ee kiciyey shacabka iyo xildhibaannada Puntland ma ahayn kuwo iska yimid, ama ay keentay duruuf ka baxsan Puntland, balse sida ay iila muuqato waa qorshe qoto dheer oo ay soo dajiyeen danleeyda siyaasadeed ee gacanta ku haya Madaxweyne Dani.

Waa yahaye, Maxay ka faaiidayaan kicinta dadka?

Waa su’aal aad isweydiinayso, balse qodobbadan ayaan kuugu soo uririn faaiidada ballaaran ee ay ka dheefayan qorshahan halista ah ee loo dhigay Madaxweyne Dani.

1. In Madaxweyne Dani uu ka go’doonsan yahay dadka uu Madaxweynaha u yahay oo cid kasta loo bahala geliyo.

– Madaxweyne Dani, sida aan la soconno taageerada ugu badan waxa uu ka haystay Gobolka Bari, iyadoona muddadii danbe ay soo kordhaysay taageerada looga hayo Gobolka Mudug, sidaas darteed waxaa la qorsheeyey in laga hortago isu soo dhawaanshahaas, si markasta gacanta loogu hayo Madaxweynaha oo loo muujiyo in uu cidla kusoo dhacayo, haddii uu ka xarig furto danleeydan siyaasadeed ee ku xiriirta.

-Sidoo kale, waxaa la qaaday tallaabo lagu kicinayo dadka dega Gobolka Sool, culimmada Ictisaam, qaar ka mid ah murashaxiinta loollankii doorashada, oo dhammaantood laga fogeynayo Madaxweynaha, si aysan talo iyo taageero midna ugu yeelan dowladda.

2- Qorshaha kale ee laga leeyahay xaalad abuurkan ayaa ah, in dadka laga mashquuliyo heshiiyo, mashaariic iyo magacaabista xilal, kuwaas oo danleydu ku hamminayso in ay si hoose u dhammeystaan.

Heshiisyadaas waxaa ka mid ah, in Garoonka Boosaaso lagu wareejiyo amnigiisa Saraakiil Imaaraat ah, qorshahaas oo hoos laga waday maalmaha qalalahaasa iyo heshiiska shikadaha tahriibiya macdanta, SIdoo kale waxaa lala wareegay qandaraaska saadka Ciidamada Badda.

3.Arrinta ugu halista badan ayaa ah, in qorshahan cabburinta iyo cago jugleynta ah uu sii socon doono tan iyo sanadka 2021-ka oo ay dhacayso doorashooyinka, iyadoo la doonayo in la Kismaayeeyo magaalada Garoowe oo danleydan siyaasadeed ay si buuxda gacanta ugu dhigaan, maamushaan xubnaha Puntland ku matali doona Dowladda Federaalka, iyadoona ciddii loo arko in ay qorshahooda aysan raacsanayn laga hor istaagi doono doorashooyinka, sidoo kale isimmada iyo waxgaradka ayaa loola dhaqmi doonaa sida haatan ka jirta Kismaayo.

Ugu danbeyntii, waxaa xaqiiq ah in danleydan siyaasadeed ay ka xarig furan doonaan Madaxweyne Dani, kolkii ay dhiiqo dhex istaajiyaan oo cid walba ay ka horkeenaan, danahooda dhaqaale iyo kuwooda siyaasadeedna ay ka fushadaan, xilligaas oo isagu uusan waxba qaban karin, iyaguna ay isu diyaariyeen inay 5 sano ee xigta ay xilka kala wareegaan, iyagoo leh waa fashilmay.

Haddaba, inkastoo ay caqabadahan halista ah ku geydaaman yihiin Madaxweyne Dani, haddana waxa uu haystaa waddooyin badan oo xal uu ku jiro, qoraal kale ayaanna kasoo sameyn inshaa Allaahu.

Waxaa Qoray: Maxamuud Bashiir Jaamac

Hadalsame Media