DAAWO: Duqa Magaalada Boosaaso oo eed KHALAD ah u jeediyay dadka xiran (Caddaynta)

0

(Boosaaso) 23 Luulyo 2019 – Maamulka Puntland ayaa xirxirey dad rayid ah oo lacag ka guddoomey RW DF Somalia, Xasan Cali Khayrre, iyagoo DF ku eedeeyay ”inay carqaladaynayso Puntland.”

Waxaa dadka guddiga dhismaha wada ”sharci jebin” ku eedeeyay ka mid ah isla Duqa Magaalada Boosaaso Dr Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam.

Yeelkeede, sida ku cad warqad uu helay Hadalsame Media xafiiska duqa magaalada Boosaaso ayaa codsi rasmi ah u diray DF Somalia, gaar ahaan xafiiska Raysal Wasaaraha, isagoo ka codsaday inay u kabaan lacag ay ku dhisayaan waddo laami ah oo marta bartamaha magaalada Boosaaso.

Deetana DF Somalia oo ka jawaabaysa codsiga Duqa ayaa u dirtay lacagtii uu codsaday 23-kii Maarso sanadkan oo dhamayd 150,000 oo doollar, taasoo meesha ka saaraysa laba arrimood:

1 – Inay DF Somalia lacagta u bixisay kala furfur siyaasadeed iyo fowdo, sida uu Deni sheegay.

2 – Waxay waxba kama jiraan iyo eed khaldan ka dhigaysaa eedda uu isla Duqa Magaaladu uu haatan u jeedinayo dadka xirxiran, maadaama uu isla isagu qirayo in lacagta loo dhiibey isla dadkii jidka dhisayay, ayna tahay intii loo baahnaa ee uu isagu gacantiisa ku qoray, cidda soo dhiibtayna ay tahay dowladdii dalka dhan xukumaysay, ma jirto baahi keenaysa in meel kale la marsiiyo.

Dad badan oo dadka degaanka ah oo aannu la xiriirney ayaa warka madaxda hadlaysa ku tilmaamay inay iyagu doonayaan inay kharashyada ku takri falaan, sidaa darteedna aysan aqbali karin in fursaddaasi ay meesha ka baxdo.

Hadalsame Media