DAAWO OO DHEGEYSO: Dilalka middiyaha oo noqday kuwa ugu badan Sweden (Wiilal Soomaali ah oo is diley)

0

(Stockholm) 18 Luulyo 2019 – Maxkamadda Degmada Skellefteå ayaa wiil 21-jir ah ku riddey xukun ah 18 sano oo xarig ah iyo in dalka Sweden laga musaafuriyo marka uu xukunkiisa dhamaysto, kaasoo lagu helay inuu toorreey ku diley wiil kale 25-jir ahaa bartamihii bishii Maarso ee sanadkan. Labaduba waa Soomaali.

267 qofood ayaa u dhintay weerar toorreey intii u dhaxaysey 2011 ilaa 2017-kii, taasoo xitaa ka badan dadka sababsaday toogasho caadi ah, sida ku cad sahan uu sameeyay TV-ga SVT. Halkan ka daawo asliga.

Patrik Borgqvist wuxuu SVT u warramay isagoo weli la  murugaysan dilka wiilkiisii 13-jirka ahaa ee Oscar oo uu kaymaha ku middiyeeyay wiil ay isku fil iyo iskuulba ahaayeen, bishii Maarso 2017-kii. ”Halkan bay runtii ka heleen maydka Oscar. Waxaa ku yaalley toorreeyo badan,” ayuu yiri.

Toorreeyda ayaa haatan noqotay mida ugu badan ee loo adeegsado gacan ka hadalka, iyadoo uu Oscar ahaa dhibbanihii 42-aad ee middi lagu dilo 2017-kii. Intii u dhaxaysey 2011 iyo 2017, waxaa middi lagu diley 267 qofood, taasoo ka badan dadka xabad lagu diley isla mudadaas oo ahaa 190 qofood.

Waxaa iyaduna xanuun badan in 6 bilood kahor ay wiilka yar ee Oscar ay hooyadii kansar u dhimatay, taasoo ahayd sababta uu ugu soo wareegey aabihii Patrik Borgqvist isagoo iskuul cusub ka bilaabay magaalada Olofström oo ka tirsan Blekinge. ”Wuxuu ahaa wiil wanaagsan oo ku jirey xilligii ugu fiicnaa. Tabyadiisu waa mid wayn,” ayuu yiri isagoo qamuunyaysan.

Patrik wuxuu wiilkiisa telefoon kula hadlay markii uu kasoo rawaxay iskuulka, balse markii uu guriga iman waayay xilligii uu sugayay waxaa galay tuhun, kaasoo keenay inuu gaarigiisa soo kexeeysto si uu u baadi goobo, ilaa uu ku yimaado booliiska oo kusoo baxay maydka wiilkiisa.

Sideedaba looma baahna inay dhacdo, in uu qof soo dul istaago maydka wiilkiisii oo dhulka yaalla,’’ ayuu ku cataabay Patrik. Waloow ay toogashooyinka laftoodu kordheen dalka Sweden, mididu weli waa habka ugu badan oo gacan ka hadalka loo adeegsado, guud ahaanba woqooyiga Yurub.

Jonas Öberg, waa dembi baare ka tirsan Waaxda Ka Hortagga Dembiyada. ”Mararka qaar waxaa laga fikiri karaa siday u xun tahay in dembiyada noocan ihi ay u yimaadaan qaab isla eg.” ayuu yiri.

Dilalka middida loo adeegsado ayaa sii socda, iyadoo Arbacadii magaalada Göteborg lagu diley wiil 18-jir ahaa oo sidoo kale dhac loo gaystey.

 

Hadalsame Media