SAWIRRO: Mashruucii ugu ballaarnaa muddo 30 sano ah oo Somalia ka hirgelaya + (Agab birta culus ah oo soo degey)

0

(Muqdisho) 17 Luulyo 2019 – Qalab kala duwan oo la sheegay in lagu dhisayo jidadka Muqdisho ku xiraya degmooyinka Jowhar iyo Afgooye ayaa laga soo dejiyey dekedda wayn ee caasimadda Muqdisho.

Agabkan oo ah qaybtii 1-aad ayaa waxaa sidey markab wayn oo xamuul ah oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho, waxaana qalabkan oo birta culus ah ka mid ah gaadiidka xamuulka, makiinadaha cagafta ee dhulka qoda, iyo qalab kale oo kala duwan, sida agab lagu sameeyo bullaacadaha jidadka la geliyo.

Waxaan helnay xog ku saabsan inay jidka kusoo jiraan agab dheeraad ah oo kale oo loogu talo galay isla dhismaha labadan jid oo halbowle u ah isku xirka Muqdisho iyo magaalooyinka qaaqama, sida ay sheegeen madaxda Wasaarada Howlaha Guud ee dowlada Somalia.

Mashruucan ayaa waxaa dhanka maaliyadda ka taageeraysa dowlada Qadar isla markaana ay fulinayaan sharikaad Turki ah, waxaana horay u dhagax dhigay Ra’Iisul Wasaaraha DF Somalia Md Xasan Cali Khayrre oo uu garab taagnaa Danjiraha Qadar u fadhiya dalka Somalia.

Labada waddo oo isu gayn ahaan gaaraya dhul dhan illaa 130-KM ayuu qorshuhu yahay in la saaro laami casri ah oo u dhigma jidadka waqti xaadirkan caalamka laga dhiso, waxaana dhaqaalaha ku baxaya lagu qiyaasayaa $200 oo milyan oo doollar oo ay Qadar ugu deeqday Somalia.

Waa mashruucii ugu ballaarnaa ee dalka ka hirgala muddo 30 sanadood ka badan.

Hadalsame Media