Yaynaan qofku marka uu dhinto maamuusine aan inta uu nool yahay muunayno!

0

(Hadalsame) 13 Luulyo 2019 – Hadii aan nahay bulshada Soomaaliyeed, qofka marka uu geeriyoodo ama aan weyno ayaan soo bandhignaa jaceylka aan u qabno, soona bandhignaa sida uu miisan noogu lahaa.

Inta qofka nool yahay, muujinayo sida uu bulshada muhiim ugu yahay ma arkeysid qof hadal qaadaya oo iftiiminaya sida uu muhiim ugu yahay (isaga) ama bulshada kale.

Wax badan ayaan arkay, qof bulshada muhiim u ah oo marka uu weli NOOL YAHAY aan wax badan la hadal heynin amaba dadka loo soo bandhigin wanaaggiisa, kaalinta uu ku jiro iyo dhanka uu bulshada kaga aaddan yahay, balse marka aan weyno uu qof walba soo qoro sida ay la tahay isaga.

Anigu qeyb ayaan ka ahay, waana dhaqan aan Soomaali ahaan leenahay.

Soo ma qurux badna, qof walba qiimaha iyo muhiimadda uu bulshada u leeyahay inta aan heysano inaan isku sheegno inta uu nool yahay si aan uga faa’ideysano, taasoo keeni karta inaan xitaa helno dad ku dayda oo berito noo badali kara.

Waxaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa dadkii nooga geeriyooday qaraxii ka dhacay Kismaayo oo ay ku jiraan dad bulshada ku qaali ahaa sida Hodan Naalleeye iyo qaar kale oo badan, inta dhaawaca ahna allaha caafiyo.

FURSADO AYAA LA KHASAARINAYAA!

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media