DHEGEYSO: Tartanka SEUKI 2019 oo berri furmaya & aragtida Soomaalida Stockholm

0

(Stockholm) 12 Luulyo 2019 – Kaasoo xagaa kasta lagu qabto xaafadda Spånga oo ka tirsan Stockholm. Waxaa tartanka sannadkan ka qayb qaadanaya ilaa12 kooxood oo ku kala jira saddex guruub oo ka kooban min afar kooxood.

Tartankan ayaa isu keena dhallinyaro fara badan oo sababo kala geddisan garoonka u taga, kuwaasoo iskugu jira qaar daawada iyo qaar dano kale u aada xilliyada ay ciyaarahani socdaan, waxaana dadkaa ka mid ah Ibraahim Cismaan oo taksiile ah. Haddaba isbedel dhanka suuqa ah ma dareemaan? ”Waxaan dareennaa isbedel wayn, waayo waxaan ka helnaa dad badan oo doonaya in guryohooda loo qaado,” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale jirta dhallinyaro tartanka u xiisaysa sababo kale, sida Cismaan Axmed oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inay Soomaalidu meel iskugu timaado oo ay wada ciyaarto. ”Waxaan u xiiseeyaa inaan arko soomaali yurub iskugu timid oo ciyaaro kala taageeraysa,” ayuu yiri.

Dadka Soomaalida ah ee tartanka u daawasho taga waxaa xitaa ku jira qaar aan caadiyan ciyaaraha xiisaynin, balse jecel inay waqti kusoo qaataan kulankan ay iskugu imanayaan Soomaali ka kala timi daafaha dunida, sida Faaduma Maxamed. ”Ciyaaraha sidaa uma daneeyo, balse marka uu tartankani bilaabmayo waan tirsadaa oo ku xisaabtamaa,” ayay tiri Faaduma.

Dhallinyarada ciyaarahan u daawasho taga waxaa ka mid ah kuwo halkaa u aada si ay uga helaan dad ay kala raageen oo aanay muddo dheer is arag kuwaasoo ay mararka qaar si sibiq ah iskugu arkaan garoonka, sida uu ii sheegay wiil lagu magacaabo Cabdifitaax Maxamed. ”Waxa aan ku jeclahay waxaa ka mid ah inaan qaarna ku ballano qaarna aan si kedis ah iskugu aragno dhallinyaro aynaan muddo dheer is arag,” ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale jira dad qaab kale tartankani u saameeyo, sida Cabdiraxmaan Dhuxul oo ah milkiilaha makhaayad laga cunteeyo ku taalla xaafadda Rinkeby. ”Marka uu tartankani bilowdo waxaannu ka helnaa macaamiil badan oo Soomaali ah oo nagu soo kororta,’’ ayuu yiri Dhuxul.

Tartanka Seuki 2019 oo berritoole lagu furi doono labada kooxood ee Xiddigaha iyo Som United oo ku midaysan guruubka A, ayaa lasoo afmeeri doonaa 28-ka bishan luulyo markaasoo ay dhamaadka ciyaari doonaan labada kooxood ee isu soo hara.

 Hadalsame Media