DF Somalia oo arrin ugu ah ka samaysay degaan ay kala wareegtey kooxda Shabaab + Sawirro

0

(Sabiid) 03 Luulyo 2019 – Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhibaano oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey  deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

Ibraahim Aadan Najax, Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa Raadiyo Muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Md Isaaq Aboow, Wasiirka Amniga Gudaha KGS Md Isaaq Cali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen kooxda Alshabaaab.” ayuu yiri Gudoomiye Najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sidoo kale waxaa u sheegey in degaanka Sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceedda ku shaqeeysa taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, amniga magaalada gaar ahaan xilliyada habeenkii.

Hadalsame Media