Maraykanka oo dib u bilaabaya kaalmadii uu siinayay Ciidamada Somalia

0

(Muqdisho) 02 Luulyo 2019 – Maraykanka ayaa qayb ahaan dib u bilaabaya taageeradii saanadeed, amaan iyo middii maaliyadeed ee uu siin jirey Ciidamada Xoogga Dalka ee SNA.

Bilowgan oo ay muraaqibayn doonaan Maraykanku ayaa loo bilaabayaa qaab tijaabo ah, iyadoo lagu bilaabayo ciidamada fadhiya gobolka Shabeellaha Hoose oo hab-raacooda ciidan woxoogaa laga qabtay.

Waxyaabaha ay Maraykanku il gaar ah ku eegi doonaan mudadan waxaa ka mid ah sida ay Dowladda Federaalka Somalia iyo Ciidamada Xooggu u hirgeliyaan hab xisaabeed daah-furan oo ku dhisan in la tixraaci karo halka ay marto kaalmada ciidan ee la siinayo.

Maraykanka ayaa hakiyay kaalmadii uu siinayay Ciidamada Xoogga, gaar ahaan kuwa uusan isagu tababarin ama qaab xisaabeedkooda la soconin ee SNA bishii Diseembar 2017.

”Soo celintani waxay muujinaysaa kalsooonida soo noqotay ee ku aaddan DF iyo SNA ee dhanka isla xisaabtanka iyo la dagaallanka musuqa.” ayaa lagu qoray bogga rasmiga ah ee Safaaradda Maraykanka ee Somalia.

Hadalsame Media