Qatar Airways oo lagu wado inay maanta duullimaadkeedii 1-aad Muqdisho ku timaado

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2019 – Shirkadda Diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa lagu wadaa inay maanta duulimaadkeedii u horreeyey ku timaado caasimadda Somalia ee Muqdisho, sidii horay loo ballan qaadayba.

Qatar Airways ayaa la sheegay inay Muqdisho usoo dirayso dayuurad ah nooca Yurub samayso ee Airbus A320 -232, taasoo bilowga iman doonta Jabuuti kaddibna uga soo gudbi doonta magaalada Muqdisho iyo Gefgada Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaa oo lagu qaban doono munaasabad kooban oo daah-fur u ah khadka cusub ee Qatar Airways.

Qatar Airways oo ka mid ah sharikaadka aadka u kobcayay sanadihii dambe, ayaa duulimaad ku tagta 87 bar-dhamaad oo dunida ah, iyadoo sanadihii 5-ta ahaa ee ugu dambeeyay kaalimaha 1-aad ama 2-aad ka geleeysey dhanka bandhigga iyo wax qabadka marka loo eego sharikaadka dhigankeeda ah, gaar ahaan kuwa ugu weyn caalamka ee duulimaadyada sameeya.

Tillaabadan ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa inay Somalia si tartiib tariib ah ugu soo laabanayso maabka caalamka oo ay muddo ka masaxnayd, waxaana Muqdisho haatanba ka dega dayuuradaha caalamiga ah ee Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Waxaa kale oo socda qorshe lagusoo noolaynayo raxantii duullimaadyada Somali Airlines, oo waloow ay aad u koobnaayeen marka heerka caalami ah loo eego misna ahaa qayb muhim u ah qabka qaran ee dalka.

 

Hadalsame Media