Maadaama ay DF Somalia oo lasoo wareegtey dakhliga hawada waa imisa lacagta kasoo xaroon karta? (Arag xisaabta)

0

(Muqdisho) 01 Luulyo 2019 – Sida uu muujinayo bogga Air Navigator oo lagala socdo macluumaadka dayuuradaha rakaabka ee isaga kala goosha dunida, hawada Soomaaliya xilligan 12-kii duhurnimowaxaa maraya 12 diyaaradaha rakaabka ah, badankoodu waa Emirates Airline, Qatar Airways, Ethiopian Airways, waxaase ku jira Air France iyo Air Isra’il.

Sida ku cad xogihii ugu dambeysay ee hay’adihii gacanta ku hayey ururinta dakhliga laga qaado diyaaradaha ka gudba hawada Soomaaliya halkii diyaarad waxaa laga qaadaa $ 270, xilligan aan qorayo warbixinran waxaa hawada Soomaaliya maraya 12 diyaaradood

12x$270= 3,240 waa hal saac oo kaliya oo kaliya.

Haddii la yiraahdo maalitii 24x $32,240= $77,760.

Haddii la yiraahdo bil haloo xisaabiyo waa 77,760 x30= $2,332,800.

Haddii sanad ama 12 bilood lagu dhufto waa 2,332,800 x 12= 27,993,600 (Labaatan iyo todobo milyan sagaal boqol sagaashan iyo sadex kun iyo lix boqol)

Lacagtaas haddii 30-kii sano ee Soomaaliya burburka ku jirtay lagu dhufto waa lacag hal bilyan ku dhow.
Intaas oo lagu daray kaluumaysiga sharci darada ah oo Soomaaliya ay uga lunto 350 milyan oo doolar sanad kasta, sida ay sheegtat Qaramada Midoobay.

Ka waran lacagtaas oo Soomaaliya si eex iyo musuqmaasuq ku jirin loo gelin lahaa dhinacyada, dib u hesiisiin siyaasadeed iyo shacab, maamul wanaagga, dhismaha cuddud ciidan, dib u dhiska dalka, arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, dib u soo celinta qaxootiga iyo adeegyada aasaasiga ah?

Sow la isma oran karo Soomaalidu wax aan loo joogin ayeyba isku haystaan? oo waa sida laba qof oo timo laheyn oo isku haysta shanlo!

Gacmo hoorsiga iyo quursiga shisheeyaha waxaa looga bixi karaa marka Soomaalidu garato inta ay is haysato in dusha laga haysan doono, lana helo hogaamiyeyaal siyaasadeed oo danahooda gaarka ah diyaar u ah inay ka hormariyaan danaha guud.

Waxaa Diyaariyay: Mowliid Xaaji Cabdi

Hadalsame Media