Koox wayn oo €112m ku baadi goobaysa qannaaska Lautaro Martinez

0

(Milano) 30 Juun 2019 – Kooxda Barcelona ayaa la sheegayaa inay diyaarisay dalab ku kacaya €112m oo ay ku doonayso qannaaska Inter ee Lautaro Martinez, sida ay sheegayaan warar ka imanaya Argentina, oo uu wiilkani wacdaro ka dhigayo Copa America.

Laacibkan oo 22-jirsan doona bisha Agoosto ayaa bandhig wanaagsan ka sameeynaya xulka La Seleccion oo xagaagan ka qayb qaadanaya Koobka Ameerika, iyadoo aad looga amaanayo dalkiisa.

Waa ninka ugu goolal badan waayaha macallin Lionel Scaloni isagoo 5 gool dhaliyay 9 kulan oo uu u saftay xulka waawaynta.

Sida ay sheegtay Idaacadda Radio La Red, Barcelona ayaa guddoonsatey in Lautaro uu yahay bartilmaameed wax badan ka habboon Mauro Icardi iyadoo la sheegay inay diyaar la tahay €112m oo ah lacagta lagu fasiqi karo qandaraaskiisa.

Waa arrin guul dhaqaale u noqon karta Nerazzurri oo laacibkan Racing Club kasoo siisatay €14m iyo woxoogaa bareemiyo xagaagii tegey. Waloow ay saami dhan 10% ku leedahay markasta oo dib loo iibiyo.

Hadalsame Media