”Eeyihii aan 10-ka maalmood quudinayay abaal bay ii hayaan, adiguna….” – Sheeko micne leh

0

(Hadalsame) 30 Juun 2019 – Nin hantile/taajir ahaa ayaa waxaa uu lahaa 10 ey-duureed. Waxa uu eeyahaas ku quudin jiray shaqaalihiisa marka uu ciqaabayo ama dilayo. Midkii khalad sameeya eeyaha ayuu u tuuri jiray kaddibna eeyaha ayaa ku cashayn jiray.

Maalin ayaa mid shaqaalihii ka mid ahi talo khaldan hantilihii siiyay, hantihiliina ma uusan jeclaysan arrintaas. Hantilihii waxa uu amray in ninkii loo tuuro eeyaha. Shaqaalihii waxa uu taajirkii ku yiri “aniga oo 10 sano kuu shaqaynayay miyaad sidaan ii galaysaa? Fadlan i sii 10 maalmood kaddib eeyaha i sii ha i cunaane.”

Taajirkii waa uu aqbalay. Shaqaalihii eeyaha u ballansanaa waxa uu u tagay ninkii eeyaha waardiyayn jiray waxa uu na ka codsaday in uu u oggolaado in uu eeyaha cunto siiyo oo ilaaliyo 10ka maalmood. Waardiyihii waa uu oggolaaday. Shaqaalihii waxa uu bilaabay in uu eeyihii cunto siiyo, u shanleeyo u na qubeeyo.

Markii 10kii maalmood dhammaadeen taajirkii waxa uu amray in ninkii shaqaalaha ahaa lagu tuuro edagtii eeyaha. Markii la tuuray ayaa la la yaabay sida eeyihii uga falceliyeen cashadii loo soo tuuray: waxa ay bilaabeen in ay leefleefaan ayna isku hiigaan lugaha ninkii shaqaalaha ahaa ee ay cunaan loogu soo tuuray.

Taajirkii oo yaabban ayaa yiri “maxaaa ku dhacay eeyahaygi?” Shaqaalihii ayaa ugu jawabaay “10 maalmood oo kaliya ayaan e adeegay eeyaha ma na aysan hilmaamin, adiga 10 sannadood oo aan kuu adeegayay hal khalad oo aan kugu sameeyay ayaas ku hilmaantay.”

Hantiilihii waxa uu garowsaday gefkiisi waxa uu na amray in la siidaayo shaqaalaha. Farriintaani waxa ay ku socotaa kuwa ku hilmaama wanaagga dadku sameeyeen hal khalad oo lagu sameeyay. Ha tu uurin sooyaalkii wanaagsanaa oo dhan hal gef dartiis.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media