YAAB: MASJID Maraykanka ku yaalla oo qarka u saaran in loo xiro hab-dhaqanka Soomaali ku dukata (Arag dhacdooyinka)

0

(Burnasville, MIN) 29 Juun 2019 – ”Qof aad u dhiibtey far malab leh, ee isagoo aan muudsan ku qaniiney ka warran!?” Maxaa ka dhacay khudbaddii Jimcaha ee shalay Masjika Burnasville?

Waxaan maanta aaday masjikaas oo aan daris la ahay si aan salaadda Jimcaha ugu soo tukado, isla markaasna ka qaybgalo janaasaddii Baaba Ayeey.

Khudbaddu waxay ku saabsanayd sida ayan Soomaalidu dantoodu u aqoon oo wax badanoo loogaga baahnaa iney kula noolaato dadka kale ayan haba yaraatee ayan u tixgelinin oo u badan danaha guud iyo wada noolaanshaha.

Wuxuu khadiibku noo sheegay in Masjidkaas wayn ee Burnsville uu qarka u saaran yahay in nalaka xiro, wuxuu soo qaatay tusaalooyin u badan meelaha gawaarida la dhigto iyo guud ahaan daryeeliddiisa. Masjidku wuxuu dhib wayn ku qabay dukaan wayn oo ku dheggan oo daris la ah, hase ahaatee dadka iska leh aan wax xiriir ah kala dhexeyn oo haddii uu kari karo uu masaajika hallkaas ka suulin lahaa.

Dadka dukaankaas leh baa waxay si gaadmo ah uga jiidaan (Towing) gawaarida aanan ka warhayn xaaladda baarkingkaas, maxaa yeelaya Soomaalida wax ma akhriyaan, iskmana eegaan caalamadaha lagu qoro waddooyinka oo iyagoo dhegaxiran bay gaariga halkaas dhigtaan, markii laga jiidana waxay ku soo furtaan lacag badan.

In badan buu masaajiku uga digay dadka hase ahaatee wax warkiisa dhulka ka qaado wuu waayay ilaa ay waayaan halka lala aaday gaarigooda. Wuxuu sheegay in (Parking) badan uusan haysan Masjidka, dadkuna ay dhigtaan meelo aan sharcigu u oggolaanayn, weliba maalmaha Jimcooyinnka iyo markii ay jirto janaaso lagu tukanayo mayd.

Maamulka masjidka wuxuu fekeray inuu la xaajoodo suuq wayn ee uu masjidku daris la yahay, waxayna isla waafaqeen iney dadku iibsadaan waxyaabo laga yaabo iney u baahnaan karaan oo ilaa 15 dollar ah, kaddibna rasiidka ay suraan muraayadda hore ee gaariga, sidaasna uu qofku salaaddiisa ku soo tukan karo.

Dhowr Jimco kaddib waxaa soo dacwooday suuqii, wuxuuna dadkii ka cayriiyay meelihii la dhiganayay gawaarida (Parking ka) isagoo ku soo eedeeyay Soomaalidii fal aanan loo dulqaadan karin, taasoo ah markii ay salaadda soo tukadaan iney resiidka iyo waxyaabihii ay gateen ku celiyaan suuqa lacagtiina dib u waydiistaan.

Haddana maamulkii masjidka wuxuu la hadlay Kaniisad jaar la ah masjidka oo ay bulshada deegaankaas ay iyaguna ka dhsiteen markii ay arkeen in halkaas masjid laga dhisay, wuxuuna maamulkii masjidka uu weydiistay iney ka caawiyaan barkinga maalmaha jimcaha iyo munaasabadaha.

Kaniisaddii gacan furan bay ku soo dhoweysay, waxayna tiri annagu awalba Jimcooyinka ma isticmaalno baarkinga waadna dhigan kartaa ee u sheega dadka halkaas ku soo tukanaya.

Dadkii sidaas baa loo sheegay waxayna bilaabeen iney gawaaridooda soo dhigtaa Kaniisadda. Mushkiladduse waxay noqotay iyadoo masjika iyo kaniisadda ay u dhexeyso waddo (highway) ah oo ay baabuurtu ku soconayaan xawlo/ xawaare 60 mail saacaddiiba oo ayan sahlanayn in dadku halkaas ka gooyo waddada.

Hase ahaatee in waddada laga goyn karo meel ilaa 100 tallaabo u jirta kaniisadda oo loogu talagalay in dadka lugeynayaa ay ka gooyaan. Nasiib darro dadkii waa u hoggaansami waayay arrintaas oo waxay bilaabeen iney iyaga iyo carruurtooda yaryar ay u bareeraan iney waddada (highway) ay orod ku dhaafaan, khatarna ay naftooda iyo carruurtooda ay geliyaan.

Arrintaas dhowr jeer ayuu masjidka ugaga digay haseyeeshee wax dheg jalaq u siiya waa la waayay. Arrintan khatarta ah waxaa arkay booliiska markii gawaarida qaarkood ay u gudbiyeen cabasho iyo warbixin. Booliiska wuxuu u tagay Kaniisaddii ku tabarrucday dadka Muslmiinta ah ee Soomaali-mareykannka ah iney halkaas dhigtaan gawaarida, wuxuuna boliiska u sheegay khatarta ay abuureen.

Kaniisaddii oo walbahaarsan baa waxay ku ammartay dadkii inaan dib dambe loo dhigan karin gawaarida dadka doonaya iney masjdka aadaan, sidaasayna ku waayeen baarkinnadii ay dhigan jireen gawaarida. Waxaa iminka u soo hara oo keliya in yar oo kooban ee uu leeyahay masjidka.

Waxayse nasiibdarro kale ahayd markii labo ilaa saddex qofoof oo ka mid ah dadkii halkaas ku soo tukaday ay joojiyeen sheekhii wacdiga waday oo ay halkaas buuq ka bilaabeen, waxay ku qeylinayeen naga daa warka badan, innagu waxaa na sugaya inaan xaablno mayd, loomana baahna hadalkaas waqtigan……ee naga jooji.

Dadkii ayaa laba u kala jabay qaar la safan kuwan buuqa bilaabay iyo kuwo kale oo dhahaya waa loo baahan yahay hadalka sheekha waana danteenna, maydkuna waa laug tukanayaa, waana la xabaalayaa , qaddiyaddanse waa mid taal oo dhib nagu haysa.

Sheekhii oo ka xun waxa ay dadkaas sameeyeen ayaa yiri” waa taas Soomaali car yaa dantooda u sheega oo aan ka qalbi jabin.

Aad baan uga xumaaday wixii dhacay maanta. Waxaana aad ugu baahan nahay inaan bedelno dhaqankeenna in badan oo ka tirsan oo aad u khaldan.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Mursal

Hadalsame Media