Jarmanka & Imaaraadka oo iskula dhacsan soo caro celinta haweenay ka baxsatay Amiirka Dubai (Malaayiin ay la baxsatay)

0

(Dubai) 29 Juun 2019 – Xaaska maamulaha Dubai, Sheik Mohammed bin Rashid al-Maktoum ayaa la sheegay inay odaygeeda ka carartay — iyadoo horay usii qaadatay £31milyan oo gini, si ay nolol cusub u bilowdo, sida la fahansan yahay.

Amiirad Haya, oo aan il la saarin tan iyo bishii Febraayo ayaa la sheegay inay Jarmanka ula baxsatay wiil iyo gabar ay ninkan u dhashay.

Waxaa la fahamsan yahay in ay dalkaa megen gelyo waydiisatey markii ay tagtayba, iyadoo sidoo kale odaygeeda furriin ka dalbatay.

Balse taasi waxay muran diblomaasiyadeed ka dhex oogtey Jarmanka iyo Imaaraadka Carabta, oo uu Sheekhani ka yahay Madaxwayne Xigeen, marka laga soo tago inuu xukumo Imaaradda Dubai.

Waxaa laga sheegay inuu nidaamka Berlin waydiistey in loosoo cara celiyo Amiiradda, oo 45-jir ah, wiilka Zayed, 7-jir, iyo gabadha Al Jalila, 11-jir.

Yeelkeede, waa looga dhaartay waxaana haweenaydan haatan ilaaliya saraakiil amaan oo loo xil saaray amaankeeda.

Princess Haya ayaa la sheegay inay saaxiibadeed u sheegtay inay Jarmanka door bidday maadaama bay tiri aysan “aaminsanayn nidaamka UK” oo ay sheegtay inay dib u celin lahaayeen.

Sheik Mohammed, 69-jir, waa nin lacagtiiisa gaarka ah lagu qiyaaso £9bilyan, wuxuuna aad uga helaa farda fuulka.

Hadalsame Media