Siyaasi soo jeediyay in MW Farmaajo laga mamnuuco Kenya maadaama uu ”Norway u dhashay!”

0

(Nairobi) 26 Juun 2019 – Siyaasiga Moses Kuria oo ah xildhibaan Kenyan ah ayaa qoraal dheer oo uu soo dhigay boggiisa Facebook wuxuu ku gooddiyay in la gaarey xilligii ay muruqooda ula soo bixi lahaayeen Somalia, ka iyagoo awood gobol ah, isagoo ku baaqay in Kenya laga mamnuuco MW Somalia oo uu ku sheegay mid haysta dhalashada Norway.

Ninkan ayaa sheegay in ay Kenya SOMALIA ku bixiso balaayiin doollar isla markaana ay halkaa naftooda u huraan dad Kenyan ihi si loo taageero wax uu ku sheegay ”dalka daciifka ah ee dowlad la’aanta ku dhow ee Somalia.”

Wuxuu sheegay in ay Kenya Somalia u dirtay DF isla markaana ay marti geliso kumannaan qaxooti ah oo ku sugan xerada Dhadhaab oo uu ku tilmaamay ”degmada 6-aad ee aan rasmiga ahayn ee Kenya” isla markaana ay dadka horseedka ah ee Somalia ay hanti, ganacsi iyo guryo ku leeyihiin Kenya.

”Saasoo ay tahay dalka daciifka ah ee Somalia ayaa yeeshay geesinnimo uu ku sheegto 40% ka tirsan biyaha Kenya, dacwad geeyay ICJ, isla markaana baaris ku bilaabay ‘biyaha Kenya”, ayuu yiri.

Wuxuu tusaale kale usoo qaatay dalka South Sudan oo uu sheegay inay sidoo kale caawiyeen, balse aysan waxba ka dheefin saliidda dalkaasi oo ay Uganda ka macaashtay, sida uu yiri.

Wuxuu kaloo soo jeediyay in Kenya laga mamnuuco MW Somalia Md Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin haysta dhalashada Norway, in la dhiso derbi, in ciidamada KDF laga soo saaro Somalia iyo in xerada Dhadhaab loo raro Kismaayo.

Hadalsame Media