RASMI: AC Milan oo aqbashay go’aanka looga saaray tartanka EL (Maxaa ka dhalan kara?)

0

(Lausanne) 28 Juun 2019 – AC Milan ayaa si rasmi ah looga saaray koobka Europa League kaddib markii ay heshiis xeer jajab ah la gaartey UEFA oo ay ka codsatay in sanadkan tartankaa laga saaro si ay uga nafisto xadidaadda badan ee laga saaray dhanka suuqa hannaanka dhaqaale wanaagga ee Financial Fair Play dartii, sida kasoo baxday Maxkamadda Cadaaladda Isboortiga ee CAS.

AC Milan ayaa haatan war rasmi ah oo kasoo baxay ku caddaysay in, waloow eedda lagu haysto aanay shuqul ku lahayn milkiilayaasha kooxda la wareegey sanadkii tegey, ay misna aqbalayaan oo ixtiraamayaan go’aanka UEFA, maaddaama bay yiraahdeen aanu jirin ”jid kale”.

Milan ayaa sidoo kale sheegtay in iyagoo ixtiraamaya nidaamka FFP, ay misna doonayaan inay dhisaan koox adag oo usoo bixi karta una tartami karta koobabka Yurub.

Heshiiskan xeer-jajabka ah ayaa anfacaya Milan iyo UEFA labadaba, waayo wuxuu hakinayaa dagaalkii ka dhexeeyay labada dhinac ee dhanka sharciga ahaa, halka Milan ay heleeyso waqti dheeri ah oo ay iskugu miisaanto dakhligeeda iyo kharashkeeda, kaddib markii laga ogolaaday in la mideeyo doodda loo haysto oo kala ah 2014-17 ilaa 2015-18 oo ah 6 sanad ciyaareed.

Go’aanka dhanka UEFA waxaa la sugayaa Isniinta ama Talaadada soo socda. Waxaa Milan booskeedii 5-aad qaadanaysa kooxda AS Roma, halka Torino ay isreebreebka geleeyso.

MAXAA XIGA TILLAABADAN?

Naadiga Rossoneri hadda kaddib siima haysan doonaan caqabidihii iyo ciriirigii ka haystey dhanka suuqa, maadaama uu Guddiga Garsoorka UEFA uu sanad dheeraad ah ugu kordhinayo xilliga laga doonayo xisaab-xirka oo ahayd 2021, balse haatan la gaynayo 2022.

Sidaa darteed, saxaafadda Talyaaniga ayaa qoraysa in Milan ay u dhaqaaqayso dhanka “xeer-jajabka”, kaasoo ah hadaf horay looga diidey, kaasoo ay muddo kooban uga bixi karto xarkaha UEFA, isla markaana Milan siinaya jawi deggan oo ay ku maarayso dhaqaaleheeda kuna dhisto koox natiijo keeni karta.

Hadalsame Media