Warqad loogu ”HANJABAYO” Madaxwayne Xigeenka Kenya oo soo baxday (FBI oo loo diray & waxa ku qoran)

0

(Nairobi) 27 Juun 2019 – Isniintii waxaa soo baxay ashtako ka timid dhinaca Madaxwayne Xigeenka Kenya ee William Ruto, kaasoo sheegay inay jiraan dhowr wasiir shir qarsoodi ah yeeshay si ay isaga u khaarajiyaan.

Wasiiirrada Sicily Kariuki (Caafimaadka) Joe Mucheru (ICT) iyo Peter Munya (Wershadaynta) oo la sheegay inay shir qarsoodi ah ku yeesheen qaybta hoose ee La Mada Hotel, taasoo ay qaarkood qirteen sida Munya, waloow ay beeniyeen inay ka hadleen Dr Ruto.

Waxaa se soo baxday warqad la sheegay inay wasiirrada kulanka yeeshay oo ay wehliyaan madax ka socota Nakuru iyo gobolka Mt Kenya ay warqad u qoreen MW Uhuru Kenyatta.

Waxayna inay ka hadleen 3 qodob oo ay ku sheegeen inay walaacinayaan waxaana ku jirta ”in weerar lagu qaado Madaxwayne Xigeenka Ruto.”

Dembi baarayaasha gacanta ku haya kiiskan ayaa haatan sheegay inay warqaddan ka sal gaariddeeda ay la kaashanayaan FBI-da Maraykanka, si loo baaro xaqiiqo ahaansheheeda iyo cidda kasoo bixisay internet-ka.

Warqaddan ayay dadka qaar dood ka keeneen, iyagoo qaba inuu sameeyay MX laftiisu, balse George Kinoti ayaa sheegay in Madaxwayne Xigeenku uu yahay xil haye sare oo xasaanad leh, sidaa darteed, aysan waxba ka waydiin karin warqaddan, ilaa ay ka xaqiijiyaan aslinimadeeda.

Waaxda Dembiyada Internet-ka ee Cyber Crime Unit oo hoostagta Agaasinka Dembi Baarista Kenya ayaa Nation u sheegay inay arrintan ula tageen FBI.

Hadalsame Media