DHACDO DHIILLO LEH: Gabar inta hoteel lagu dhex kufsaday maydkeeda jidka lagu tuuray!! (Sidee wax u dheceen?)

0

(Muqdisho) 27 Juun 2019 – AKHRISO Sumayo Yusuf Waa Tuma? Gabadhii Muqdisho Lagu Kufsaday? Dhacdo Xanuun badan.

• Waa Tuma Sumayo Yusuf?

Waa 28 sano jir ku dhalatay, kuna soo barbaartay magalada Muqdisho. Waxey dagneed xaafadda Shiirkole ee degmada Hawlwadaag.

Dabeecad ahaan, qof si fiican u yaqaanay ayaa ii sheegay inay ahayd gabar wanaagsan oo dadka ixtiraami jirtay.

• Caruurteeda Waa Imisa?

Sumayo 4 cunug oo midka ugu weyn uu jiro 13 sano ayaa u jooga. Aabahood horay ayuu u geeriyooday Alla ya raxma.

Caruurta dhammaantood dugsi quraan ayey ku jiraan, midka ugu weyn ayaana iskuul dhigta.

• Sanadkaan Ayey Dhameeysay

Ardaydii ka qalan jabisay sanadkaan 2019 iskuulka Tayo ee Baar Ubax ayey kamid ahayd marxuumad Sumayo Yusuf.

Jaamacad ayey isku diyaarineysay mardhow, gaar ahaan jaamacada Simad.

• Waala Kufsaday Sumayo

Hotel Caamir banaankiisa hore ayaa lasoo dhigay Sumayo oo meyd ah, walibana la kufsaday.

Jirkeeda xagtiin iyo dharbaaxyo ayaa ka muuqday. Dharkeedana wuu jeexnaa.

• Sidee Wax U Dhaceen

Sumayo iyo wiilka kufsaday oo da’diisa la iigu sheegay 26 sano ayaa xiriir guur uu ka dhaxeeyay.

Markii ugu horeeysay oo ay kulmaan ayey ahayd. Sumayo ayaa wiil qaraabo yihiin wacday shalay 5ta galabnimo , ayadoo ka codsatay inuu ciyaalka u sii ilaaliyo.

Wiilka qaraabada ahaayeen wey u sheegtay inuu jiro wiil ay xiriir leeyihiin oo ay ku balameen maqaayadda Dheeman oo aan sidaas ugu fogeen Hotel Caamir.

Hal saac iyo bar habeenimo ayey baxday. Balanka wuxuu ahaa in ay maqaayada shaax ku cabaan oo aayahooda ka hadlaan Sumayo iyo wuxuushkii Kufsaday ee kadibna dilay

• Kadib Maxaa Dhacay?

Inkastoo aan la ogeen waxa dhacay lakin Sumayo walaalkeed oo murugeysan ayaan daqiiqado yar la igu soo xiray. Wuxui ii sheegay in Gabadha aysan waligeed hotel galin.

Lakin ay dhici karto inuu caqliga ka xaday ama uu wax kuduray. Kadibna Hotelka ayuu ku kufsaday

• Sidee Ayuu U Dilay Sumayo

Qof katirsan Hey’adda CID-da ayaa ii sheegay goordhow in Sumayo la sumeeyay.

Jirkeeda kama uusan muuqan wax keeni kara dil. Isbitaal Madina ayaa CID-da u xaqiijiyay in la sumeeyay gabadha

• Meydka Sumayo

Waqtigaan Meydka Sumayo wuxuu yaalaa xarunta dambi baarista CID-da. Caawa ayaa loo wareejin doonaa Isbitaal Madina

Qoyskeeda iyo caruurtii hooyada u ahayd ayaa kanaxsan geerida iyo kufsiga lagula kacay Walaasheen Sumayo Yusuf oo la aasi doono maalmo kadib.

Ciidamada dowladda ayaa xiray Maamulka Hotelka iyo qaar ka tirsan shaqaalaha. Kiiskana waxaa la wareegay CID.

Wuxuushkii lama hayo wali lakin sawiro telkeeda ku jiray ayaa la helay oo looga shakisan yahay inuu isaga yahay kan gabadha sidaan u galay.

• Maxey Ku Hamineeysay

Wuxuu ii sheegay qof iskuulka ay iskala qalan jabiyeen sanadkaan inuu Sumayo kahaayo hadalkaan.

“Si kasto oo aan wax u barto waxaan rabaa caruurtaan agoonta ah inaan hormar gaarsiiyo. Iyagaan u noolahay”.

Sumayo waxey korineeysay caruur da’ yar oo ay dhashay. Caawa ilmahaas waa aabo iyo hooyo la’aan.

• Waajib Ayey Kugu Tahay

Si gabdho kale aysan ugu dhicin dhacdadaan Fadlan Share garey. Cadaalad ayey Sumayo Yusuf u baahan tahay

Please Hadii aad leedahay dareen damqado u duceey Sumayo in Alle u naxariisto. Allow janada kawaraabi

Waxaa Diyaariyay: Idriis Cabdulkadir

Hadalsame Media