Dayuuradaha usoo dhowaada garoonka ugu wayn Israel oo la kulmaya cillad weli la garan la’yahay!!

0

(Tel Aviv) 27 Juun 2019 – Dowladda Israeli ayaa sheegtay in ay weli sharraxaad u la’yihiin dhacdooyin cusub oo ay duuliyeyaashu ka lumayaan hannaanka GPS marka ay gaar ahaan usoo dhowaadaan garoonka ugu wayn dalkaasi ee ku yaalla Tel Aviv ee Ben Gurion Airport.

Arbacadii, Wakaaladda Garoomada dalkaasi ee Israel Airports Authority (IAA) ayaa xaqiijisay in “duuliyeyaal badani” ay waynayaan xaararadda adeegga Global Positioning System (GPS) oo ah adeeg ku xiran satellite-yada, iyagoo hawada ku jira, taasoo dhibaato wayn keeni karta sida isku dhac iyo jahawareer, waloow aanay dayuuradaha hannaankaa si buuxda ugu tiirsanayn marka ay dhulka usoo dhowaadaan ama degayaan.

Hay’adda IAA ayaa intaa raacisay in arrintani u muuqato mid dhacaysa marka ay dayuuraduhu usoo dhowaadaan gegada caalamiga ah ee Tel Aviv, iyadoo kaaga darane uu caadi yahay adeegga GPS-ka garoonku.

IAA ayaa sheegtay inay arrintan weli turxaan bixin la’dahay, halka Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sheegtay inaan weli gacan la waydiisan oo ay arrintu tahay mid weli la taalla Wakaaladda Garoomada IAA.

Waxaa dhici karta inuu yahay tashwiish lagu furayo hannaankaasi, weli se cidna farta laguma fiiqin.

Hadalsame Media