XOG CUSUB: Dilka abaanduulka oo la xaqiijiyey, qofka diley, qaabka loo diley & qof culus oo lala diley

0

(Addis Ababa) 23 Juun 2019 – Afhayeenka Xafiiska RW Itoobiya, Nigussu Tilahun, ayaa iminka warbaahinta u xaqiijiyay in la toogtey oo la diley Abaanduulkii Ciidamada Itoobiya Jen. Seare Mekonnen kaasoo uu gurigiisa Addis Ababa ku diley nin ka mid ahaa ilaaladiisa.

Wuxuu intaa raaciyay in sidoo kale lala diley Jeneraal howlgab ah oo ka tirsanaa ciidamada lugta Itoobiya oo xilligaa Jeneraalka gurigiisa ku booqanayey Sabtigii.

Wuxuu intaa ku daray in toogashada Jeneraalku ay dhacday waxyar kaddib isku daygii afgembigii dhicisoobey ee Gobolka Amxaarada, halkaasoo uu nin Sarreeye Guuto ah oo fallaagoobey uu isagoo ciidan hubaysan wata weerar ku qaaday madaxda maamul-goboleedka Amxaarada oo shiraya, halkaana uu ku laayay madax sare oo uu ka mid yahay Madaxwaynihii maamulka Ambachew Mekonen.

Ciidamada Dhexe ee Federaalka ayaa haatan si buuxda gacanta ugu dhigay xaaladda gobolka. Wuxuu sheegay in haatan gacanta lagu dhigay inta badan dadkii agaasimey ama fuliyay weerarka ka dhacay Bahir Dar, caasimadda Gobolka Amxaarada, halka qaarka harsan haatan ugaarsi lagu hayo, isagoo sheegay inuu xiriirsan yahay weerarka ka dhacay gobolkaasi iyo dilka taliyaha ciidamada.

Waxaa la fahamsan yahay in qoowmiyadda Amxaarada rag ka tirsani arrimahan isku duween iyagoo u muuqda kuwo ku dhici waayay afgembi guud oo ay Itoobiya ka sameeyaan oo ah riyadooda wayn, balse ay ugu yaraan holliyeen inay taa ka sameeyaan gobolkooda, si ay ugu gorgortamaan, fadqalallo siyaasadeed u abuuraan ama u goostaan, taasoo aan ahayn arrin laga fili karo qoowmiyadda Amxaarada oo jecel inay dusha ka fuusho Itoobiya oo iskugu xiran.

Hadalsame Media