DEG DEG: Shirkado waawayn oo SHIDAAL oo 30 sano kaddib kusoo laabanaya Somalia (Heshiis dhacay)

0

(Muqdisho) 21 Juun 2019 – Shirkadaha Royal Ducht Shell iyo Exxon Mobil oo Heshiis Taarikhi ah la saxiixday Wasaaradda Macdanta Iyo Batroolka Somalia.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu dhigayaa in shirkadahaan oo ka mid ah kuwa caalamka ugu waaweyn ee soo saara shidaalka ay dib ugu soo laabtan Wadanka Somalia kaddib 30 sano oo ay ka maqnayeen .

Sido kale, heshiiska lala saxiixday shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ayaa waxaa ku qoran in shirkadahaasi ay wadanka Somalia ka bilaabaan Sahmin Shidaal.

Munasabadda lagu kala saxiixanayay Heshiiskaan ayaa waxay ka dhacday Magaalada Hague ee waddanka Holland oo xarun u ah Shirkada Shell, waxaana goob joog dhanka Somalia uga ahaa Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Somalia Mudane Cabdirashid Maxamed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Petroolka Somalia Eng Karar Shugri Dhoomeey.

In labada Shirkadood ee Caalamka ugu waaweyn xagga soo saarista shidaalka ee laga kala leeyahay Maraykanka iyo Yurub ay dib ugu soo laabtan Somalia kana shaqo bilaaban waxay guul taariikhi ah u tahay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed.

Diyaariye: Cabdinaasir Sola

Hadalsame Media