DHEGEYSO: Baarlamanka Sweden oo maanta go’aaminaya SHARCI ay u dheg taagayaan Soomaalidu

0

(Stockholm) 18 Juun 2019 – Dawladda ayaa baarlamanka soo hor dhigtay qorshe la xiriira in laba sannadood lagu kordhiyo xeerka ku meel gaarka ah ee soo galootiga illaa iyo 29-ka luulyo 2021.

Xeerkaasina oo xaddideya deggenaansho joogto ah oo lagu helo dalka Sweden, waxa lagu magacaabo xeerka ku meel gaarka ee soo galootiga, midkaasina oo horraantiisii la hir hirgeliyey xilligii kuleeylaha ee sannadkii 2016. Dawladda Sweden ayaa xilligaasi go’aansatay in la hakiyo xeerkii soogalootiga ee lagu bixin jirey sharciyadda deggenaansho ee joogtada ah iyo in tirada qaxootiga dalka magangelyada ku hesha lala simo heerka waddammada xubnaha ka ah EU.

Marka laga yimaado in laba sannadood la kordhiyo xeerka ku meel gaarka ah ee soo galootiga illaa iyo 19-ka luulyo sannadka 2021, waxay dawladdu sidoo kale soo jeedinaysaa in dadyoowga deggenaanshaha ku heley qodobka alternativt skyddsbehövande (bedelkii u aqoonsi qaxooti dhab ah) loo siiyo suurtagal sidii ey qaraabadood kula midoobi lahaayeen Sweden.

Qodoka xeerkan ayuu macnihiisu yahay in haddii uu jiro shakhsi dalka ku heeysta deggenaansho ku meel gaar ah ee doonaya inuu qarabadii dalkan kula midoobo qaarkood loo suurtageliyo haddii ay muuqato ama caddahay inuu qofkaasi mustaqbalka uu dalka ku heli doono deggenaansho joogto ah. Suurtagal noqon mayso in Sweden lagu mideeyo haddii lammaanaha midkood ay da’diisu ka yar tahay 21 sannadood.

Waxaa sidoo kale la soo rogi doonaa go’aan lagu siineyo deggenaansho joogto ah xaaladaha qaarkood ee la xiriira ajaaniibta Sweden ku dhalata oo aan lahayn waddan la aqoonsan yahay (Statslös) -waddan laawe dadka loo yaqaanno.

Sida ku xusan qorshaha dawladda wuxuu xeerka ku mel gaarka soo galootiga ee isbedellada lagu sameeyey uu hirgeli doonaa 20-ka bisha luulyo ee isla sannadkan 2019. Guddi hoosaadka bulshada baarlamanka ayaa ku dhiirigelineeysa baarlamanku inuu ogolaado qorshe xeeraaedka dawladda.

Xigasho: Idaacadda Sweden

Hadalsame Media