XAAF oo si toos ah Somalia uga saftay una hiilliyey Kenya

0

(Nairobi) 17 Juun 2019 – Madaxwaynaha maamulka Galmudug garabka Dhuusamareeb, Axmed Ducaale Xaaf ayaa MW Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay wax uu ku sheegay marin habaabin iyo mardadabaan siyaasadeed, kaasoo sida uu yiri sabab u ah xiriirka sii xumaanaya ee dalalka deriska ah.

Xaaf ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada hadlo wax uu ku sheegay xaaladda sii xumaanaysa ee siyaasadeeed, amaan iyo dhaqan dhaqaale ee Somalia.

War lagu qoray wargayska Standardmedia ee dalkaasi Kenya ayuu Xaaf ku sheegay in sida uu yiri uu Farmaajo burburinayo ”xiriir diirran oo muddo dheer soo taxnaa oo u dhexeeya Somalia iyo Kenya” isagoo ku mashquulsan ”siyaasad khiyaano ah, ballan ka baxyo iyo marin habaanin,” sida uu qabo.

Warkan kasoo baxay Galmudud ayaa sidoo kale Farmaajo iyo RW Xasan Kheyrre ku eedaynaya “hab-dhaqan siyaasadeed oo aan la saadaalin karin”, taasoo sida la yiri niyad jebisey dalalka deriska ah ee ka qayb qaadanaya xasilinta Somalia.

Eedda Xaaf oo is dhex gelinaysa khilaafka gudeed iyo doonista Kenya oo aan is khuseeynin, ayaan la ogayn sababta ay Farmaajo u khuseeyn karto iyo sida uu isagu arrimahaa uga hadli karo midna, maadaama uu Farmaajo yahay madaxwaynihii 3-aad ee la kowsada doodda Kenya ee ku aaddan inay leedahay dhul badeed ku dherersan gobolka Jubada Hoose oo ilaa 100,000 oo KM oo jibbaaran ah, iyadoo ay dooddu iminka hor taallo Maxkamadda ICJ.

Hadalsame Media