Waxa uu Mursi ku dhigay waa dhaxal sugaya Madaxwayne Siisii

0

(Hadalsame) 17 Juun 2019 – Allaha u naxariisto Ex-President Egypt Mohamed Mursi oo xabsi uu 6-sano ku jiray kadib maanta maxkamadda ku dhex geeriyooday.

Balse Mareykanku waa asaga dunida laga xooga badan yahay ku qasbeya nidaamka democracy-gee hadeey dhab ka tahay sidee ku aqbalay In Madaxweynihii sida Domogradiga ah lagu soo doortay uu inta Askari xukunka ka xoogo xabsina ku silac dilo, ?

Weliba Askarigaas xooga ku qabsaday dalka ayuu ku yiri Mareykanku sharciga dalka wax ka bedel oo xukunka sii dheereyso ilaa 2030-ka , dabcan waa iska cadahay sow maaha (danaha Isra’il).

Balse waxaan shaki iiga jirin In EL-SISI intuu reer Masar iyo walaalkiis dil iyo xukun maroorsi isugu daray in uusan nolosha raaxo ku dhameysan doonin oo mar ay ahaataba uu dulmigaas ka shaleyn doono.

Tankale Ilaa hada intaan arkay wax Geerida Mursi ka soo tacsiyadeeyay Madaxyaweynta waxaa laga hayaa Erdogan iyo Amiirka Qatar iyo xubno kale oo hoose.

Inkastoo uu hadalo badan oo taariikhiya marxuumku uu uga tagay reer Masar sida Hogaamiyayaashii isaga ka horeeyay ee Sadaam & Qadaafi ay Ciraaq & LIIBIYA uga tageen, haddana hadalladiisii waxaa ka mid ahaa “HA DILININA LIBAAXYADA WADANKIINA SI AANEY IDIIN CUNIN EEYAHA CADOWGIINU!”

Maxaa dunida been iyo isku xoog sheegad is dabayaal.!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media