XOG: Shirkii madaxda maamullada ee Nairobi oo FASHIL ku dhamaaday!

0

(Nairobi) 13 Juun 2019 – Warar hoose oo Hadalsame kasoo gaaraya dhanka Nairobi ayaa sheegaya inuu fashilmay shir ay halkaa ku lahaayeen madaxda maamullada, kaasoo la doonayey in laga soo saaro go’aamo.

Sababaha fashilka shirka ayaa waxaa ka mid ah in aanu jirin qorshe lagu midaysan yahay oo shirka lagu wajahayo, la’aanta ajende cad iyo ka go’naan la’aan ka muuqatay dhanka madaxda.

Tusaale ahaan, Madaxwaynaha Puntland Puntland Saciid Cabdullaahi, oo laga sugayay magaalada Nairobi ayaa la sheegay inuu iska aadey dhanka Addis Abeba, halka ay madaxda Galmudug iyo Jubbaland iska galeen shirar iyaga u gaar ah iyo ballamo ay la lahaayeen Soomaalida gobolladaasi.

Waxaa sidoo kale aan shirka imanin Madaxwaynaha maamulka KG Somalia, halka uu dib u laabtay Madaxwaynaha Hirshabeelle si uu ugu boxo qalalaasaha ka oogan magaalada Beledwayne.

Shacabka Soomaaliyeed ayaan guud ahaan la dhacsanayn hab-dhaqanka madaxda maamullada oo u muuqda kuwo aan ilaa haatan soo bandhigin qorshe ay wax ugu qabanayaan gobollada ay ku magacaaban yihiin, iyagoo taa biddaalkeedii siyaasadoodii kusoo koobay mid la ficiltamaysa DF Somalia, waloow sidoo kale DF lafteeda lagu eedeeynayo khaladaad badan oo hoggaamineed.

Hadalsame Media