Xildhibaan Soomaali ah oo si xun u garaacay gabar xildhibaanad ah + Sawirro

0

(Nairobi) 13 Juun 2019 – Xildhibaan la yiraahdi Rashiid Amiin oo ka mid ah metelayaasha laga doorto Bariga ismaamulka Wajeer, ayaa la sheegay inuu feer la dhacay xildhibaanad la yiraahdo Faaduma Geedi oo iyana laga soo doorto isla Wajeer.

Labadan xildhibaan oo wada Soomaali ah ayaa ku wada jira Baarlamanka dhexe ee Kenya, waxaana la sheegay inay is af dhaafeen kaddibna uu u raacay halka gawaarida la dhigto ee isla dhismaha Baarlamanka, halkaasoo ay dooddoodii kasii amba qaadeen.

Yeelkeede, kaddib dood kulul oo daqiiqado socotey, waxaa la sheegay in Rashiid uu aad u kululaaday kaddibna uu garaacay xildhibaanad Faaduma, iyadoo ay goobta joogaan xildhibaanno kale iyo weliba ciidamo ka tirsan nidaaminta Baarlamanka.

Rashiid ayay wararku sheegayaan inay gabadha oo ka tirsan Guddiga Miisaaniyadda Qaran ee Baarlamanka isku hayaan muran la xiriira miisaaniyad uu u doonayo Bariga Wajeer, iyadoo aan la aqoonin sida ay taasi gabadhan oo qura u khuseeyso iyo qiilka uu yeelan karo gacan ka hadal taa lagu xalliyo, kaddibna uu garaacay isagoo caayaya.

Xildhibaannadda ayaa loo wadey isbitaal goobta ka dhow oo la yiraahdo Karen Hospital, si looga dabiibo dhaawacyo soo gaarey, iyadoo sawiraddu muujinayaan dhiig afkeeda ka socda, iyadoo oobig u qortay Booliiska Baarlamanka.

Hadalsame Media