DEG DEG: Kooxaha Xuutiyiinta oo weeraray garoon dayuuradeed oo ay Sucuudigu leeyihiin, khasaare ka dhashay (Daawo)

0

(Abha) 12 Juu 2019 – Sucuudiga ayaa sheegay in maliishiyaadka Xuutiga ee Yaman ka dagaallamaa ay weerar la sheegay inay u adeegsadeen gantaalaha Kuruuska ku qaadeen gegada caalamiga ah ee Abha International Airport oo ku yaalla Sucuudiga Carbeed.

Waxay sheegeen inay halkaa ku dhaawacmeen ilaa 26 qofood oo rakaab ah oo u kala dhashay dhowr dal, kuwaasoo xilligii uu weerarkani dhacayey ku sugnaa garoonka Abha International Airport.

Sucuudiga ayaa todobaadyadii dambe ka cabanayey weerarro uga imanaya dhanka kooxda Xuutiyiinta oo uu isbahaysi uu isagu horkacayo dalkooda ku weeraray.

Wixii kasoo kordha kala soco Hadalsame

Hadalsame Media