DAAWO: ”Somaliland waa mucjiso yar oo kasoo dhex baxday badwayn murugsan!” – Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee UK

0
(London) 08 Juun 2019 – Wasiiru dowlaha horumarka caalamiga ah ee Britain Rory Stewart ayaa waxaa su’aal ku saabsan waxa UK uga qorshaysan doorashada marar badan baaqatay ee Baarlamanka Somaliland iyo wada hadallada Somalia iyo maamulka Somaliland. Waxaa su’aasha waydiiyay xildhibaan Stephen Doughtey oo laga soo doorto gobolka Wales.
Jawaabta Wasiirka: ”Ugu horreeyn, Somaliland waa sheeko guulaysatey. Somalia lafteedu waxay muquuranaysay xaalad adag. Somaliland waa mucjiso yar oo kasoo dhex baxday badwayn dhibaato ah.” ayuu yiri.
”Si dhow baannu Somaliland uga la shaqaynay doorashooyinka madaxtinnimada, waxaana hadda ka taageeri doonnaa doorashooyinka Baarlamanka.” ayuu raaciyay isagoo sheegay inuu tegi doono Hargaysa si uu ula kulmo MW Biixi.

Hadalsame Media