Ma ogtahay inay Sucuudigu hadda kahor bishii Soon-fur KOOWKAB ku khaldeen? (Hadda oo la isku dheggan yahay)

0

(Riyaad) 07 Juun 2019 – Maalmihii yaraa ee lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada ku faafay qoraallo lagu sheegayo in Boqortooyada Sucuudigu ay Soon-fur iclaamisay maalin khalad ah oo Soon ah.

Waxaa kale oo la sheegay in uu Sucuudigu kafaaro gud ka bixinayo khaladkan taasoo lagu qiyaasay 6 bilyan oo Riyaalka Sucuudiga ah, sida lagu qoray baraha bulshada iyo meelo kale. Haddaba arrintani ma ugub baa?

In kastoo ay saacado badani kasoo wareegeen faafidda warkaasi haddana dowladda Sucuudigu wax war ah weli kama soo saarin, mana ka hadlin guud ahaanba.

Yeelkeede, Boqortooyada Sucuudiga oo Isniintii baahisay aragtida bisha Soon-fur si Talaado loo ciido, waxay sanaddii 2011-kii sidan oo kale u faafisay xog khalad ah oo ku saabsan bisha Soon-fur, waxayna xilligaa kafaaro ahaan u bixisay 6 bilyan iyo 6 milyan oo Riyaalka Sucuudiga ah.

Jamciyadda Falagga ee magaalada Jiddah waxay xilligaa sheegtay in waxa ay arkeen uu ahaa meeraha Zuxal ama Saturn ee aysan arkin bisha Soon-fur ama Shawaal.

Taasoo noqotay khalad aad u wayn, waxayna arrintani hadda kaddib dood gelin doontaa in la iska qaato warka Sucuudiga ee arrimahan ku xiriirsan.

Waxaa Diyaariyay: Foowsi Camoore & Maxamed Xaaji

Hadalsame Media