XOG SHIILAN: Ka bogo cidda hindistey in la hunguriyeeyo dhul saliideedka Somalia & dhibka haatan Kenya haysta

0

(Nairobi) 01 Juun 2019 – Shirkadda STATOIL ee ay maalgeliso dowladda Norway, waa shirkada ugu aqoonta badan dhanka soo saarida bartoolka bada aad u hooseeysa ku jira, waa shirkad hanti badan leh haysatana taageerada Dowladda Norway.

Muddo dheer waxay aad u daneeynaysay shidaalka Soomaaliya ee bada hoosteeda ku jira, ayadoo kaashaneeysa dowladeeda waxay bilaabeen inay maal-gelin ku sameeyaan shirkii Jabuuti ee ugu horeeyay ee dowlad lagu soo dhiso burburkii dalka ka dib. Waxay aad u maal geliyeen dhanka dastuurka iyo xiriirka Soomaaliya.

Ula jeedadoodu ma ahayn oo kaliya inay Soomaaliya caawiyaan ee waxay ahayd inay dantooda shidaalkana ay gaaraan.

Waxay bilaabeen inay u soo bandhigaan qorshahooda ku aadan batroolka geeska Afrika, khaasatan Kenya iyo Soomaaliya waxayna doonayeen in shidaalka laga baaro Kenya, laakiin waxay ogaadeen xirmooyinka ugu waaweyn ee shidaalka inay ku jiraan dhanka Soomaaliya qaasatan xirmadda L12 oo ah mida ugu wayn ee shidaalka ku jiro.

Haddaba waqtigaas Norwey waxa ay la xiriirtay dawladdii uu hogaaminayey Allaha u naxariistee Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf Axmed arimahaas ayeyna u bandhigeen, laakiin wuu diiday qorshahooda, wuxuuna ku yiri arrimahaas hadda dalkeennu diyaar uma aha, isagoo ka baqaayay in si sahal ah loola wareego shidaalka Soomaaliya. Dabeedna Markii ay ku wareereen Soomaaliya oo lacag badan laga cunay, waxay la yimaadeen qorshe kale oo sahlan.

Qorshahaasi oo ahaa in dhulka iyo shidaalka Soomaaliya lagu wareejiyo Kenya, dowlada Kenya markii ay maqashay lacagtaas badan ee ku jirta way soo dhaweeysay, waxayna u dejisay qorshahii lagula wareegi lahaa batroolka Soomaaliya taasoo ah in muran la geliyo xadka Soomaaliya.

Madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf iyo maamulkiisii markii ay meesha ka baxeen, xukuumadii ka dambeeysay oo Ra’iisal wasaaraha uu ka ahaa Cumar Cabdirashiid ayaa laga fuliyay qorshahii ay wadajirka u wadeen Kenya iyo Norway, taas waxaa cadayn u ah heshiiskii ”is-af garadka” (MOU), ee muranka geliyay bada soomaaliyeed.

Heshiiskaas oo ay saxiixeen Wasiirkii arimaha Dibada KENYA ee xiligaas Moses Wetangula iyo Wasiirkii Qorsheeynta Soomaaliya Cabdiraxman Cabdishakuur Bishii April Sannadkii 2009, waxaana qoray heshiiska Danjiraha Norway Mr. Hans Wilhelm Longva, meesha heshiiska lagu kala saxiixanaayayna waxaa joogay Amb. Hans iyo gabar la yiraahdo Ms. Rina oo ka socotay safaaradda Norway ee dalka Kenya.

Kaddib Norway si aysan kaligeed ugu noqonin qorshahaas waxay arinta ku casuuntay shirkadaha batroolka reer Yurub kuwa ugu waaweyn qaarkood sida Total, ENI (ex AGIP) oo ay kala leeyihiin Faransiiska iyo Talyaanigu.

Haatan markii ay ogaadeen inuu qorshahaasi gaaray dacwad heer caalami ah, shirkadaha qaarkood oo la siiyay shatigii shidaalka lagu baaraayay, ayaa waxay dib u codsadeen in lacagtooda ay Kenya soo celiso. Waa taas mushkiladda ugu wayn ee Kenya haatan haysata.

Hadaan nahay dadka Soomaaliyeed ee xoogaa ka fahamsan arrimahaas waxaa nagu waajib ah inaad dadkeena la wadaagno.

Soomaalidu waa inay fahantaa waxa leysku haysto waa oil ama Saliid.

Qalinkii: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media