Dhibka ay dhaqaale xumadu ku hayso Saxaafadda Afrika

0

(Hadalsame) 01 Juun 2019 – Simon Allison oo ah suxufi dagan dalka Koonfurta Sudan ayaa 2013 wuxuu qoray maqaal uu kaga hadlayo dhibaatada saxaafada Afrika heysata.

Simon wuxuu sheegay in saxaafada qaarada Afrika ay la liiceyso dhaqaalo xumo iyo agab la,aan taas oo sababtay in aanay la tartami karin in mida reer galbeedka.

Simon wuxuu tusaale u soo qaatay sheeko xiiso badan oo markii aad dhuuxdo muujineysa ama ka turjumeysa xaaladda saxaafadeenna iyo guud ahaan tan Afrika iyo farqiga ballaaran ee u dhexeeya.

Sheekada oo dheereyd ayaan jecleystay in aan soo koobo inta ugu muhiimsan. Waxaan tagay xero ku taala koonfurta gaar ahaan meel u dhow xuduuda Sudan.

Kharashka aniga ayaa iska bixinayay waxaana ku talo galay in aan joogo afar habeen si aan warbixino uga diyaariyo xaalada dadka xerada ku jira. Aad ayaan u faraxsanaa waayo waxaan ahaa wariyaha kaliya ee meesha joogay waxayna ii ahayd fursad.

Markii aan bilaabay wareesiyada iyo xog uruurinta ayaa waxaa garoon boor badan oo ku yaalay xerada banaankeeda ku soo dagay diyaarad.

Diyaarada waxa ay siday koox warfidiyeen reer galbeed ah. Markiiba waxa ay bilaabeen wareysiyo iyo muuqaalo duubid waxayna iga afduubteen dadkii aan wareysanayay.

Waxay xerada joogeen labo saac oo kaliya wayna dhoofeen waliba mid ka mid ah warkii ayuuba xerada gudaheeda ka diray.

Nin la shaqeynayay ayaan wareystay wuxuuna igu yiri diyaarada waa mid gaar ah waxaana saakay ay ku soo ijaarteen $8000.

Aad ayay arrintaasi ii taabatay waxaana ogaaday in saxaafadda Afrika saboolnimo la hartay.

Tarjumaadii: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media