AKHRI: Maxaa LAF-YARIDA ugu wacan Soomaalida maanta?

0

(Hadalsame) 01 Juun 2019 – Aan mar kale ku celiyo. Haddii 90 sano hortood la dhererin lahaa 100 dhallinyaro soomaaliyeed oo 20 jirro ah oo wiilal iyo gabdho isu gu jira, dabadeed la gu dheririn lahaa 100 la fac ah oo maanta nool, yaab iyo argagax baa innagu wada dhici lahaa sida aynnu u soo lafo jabnay ee u baabba’nay. Anigaygan weli dhallinyarada isu arka ayaa arka oo markhaati ka ah isbeddelka dadka ku dhacay.

Bulshada soomaalida oo la gu tirin jiray kuwa dunida u gu dhaadheer, soddonkii sano ee burburka iyo silicu socday wax ay u ekaatay kuwa dunida u gu laf gaaban. Waa maxay sababtu? Waa dheef xumada iyo dheef la’aanta.

Dadkii hore cunto badan ma ay cuni jirin, laakiin wax wal oo ay afkooda galiyaan wax ay lahaayeen dheef buuxda: caano lis ah, hilib qalliin ah iyo midho daray ah oo beerta la ga soo jaray. 30-kii sano ee dagaalka sokeeya iyo burburka wax aynnu quudanaynnay cuntooyin la soo dhoofiyay oo dadyowga kale innoogu deeqeen ama ganacsade malcuun ahi dalka keenay.

Labada jeerba cuntadaa la inoo keenayay wax ay ahayd qashin dheeftu aad u gu yar tahay oo bakhaarrada dunida ku abaaday. Mana ay jirin, maantana ma jirto, cid labadaa qolo ka eegta waxa ay keenayaan dheeftooda iyo fayoobidooda. Taa darteed dhallinyarada tobankii sano ee u dambeeyay Yurub soo gasha marka aan eego ma mooddid soomaali, wax aad se mooddaa erateriyaan iyo quruun cusub.

Haddaba hooy Soomaaliyey, u fiirsada oo ka fiirsada waxa aad cartuurtiinna cunsiinaysaan, mar walba danyari iyo saboolnimo idinka ma aha ee aqoon xumo ayay idinka tahaye. Inta aad awooddaan carruurta siiya cuntooyinka dalka ka soo baxa ama dalalka dariska. Ha ka fekerina in aad carruurta caloosha u buuxiseen ee ka fekera waxa aad u ga buuxiseen ma qashin baa mise waa dheef. Ogaadana dheef xumadaa jidhkeennu ku baabba’ay in maskaxdeennuna la baabba’ayso.

Waxaa Qoray: Ibraahim-Hawd Yuusuf

Hadalsame Media