Kenya waxay Somalia kaga badin kartaa hal ARRIN oo isla Soomaalida ku xiran (Somalia waxay ku badin kartaa 3 fursadood)

0

(Hadalsame) 31 Maajo 2019 – Waxaa geed sare iyo mid gaabanba beryahan fuulaysey dowladda Kenya oo awalba si il adayg iyo ishaa falato ah u damaacinaysey dhul Soomaaliyeed.

Haddaba, sida laga fahmi karo xitaa dhanka Kenya waxaa soo baxday in ay jiraan laba arrimood oo Somalia guusha xijinaya balse aan Soomaalida ku xirnayn iyo hal arrin oo ay Kenya u aragto mid ay ku guulaysan karto oo Soomaalida ku xiran.

Labada Somalia ku badin karto oo aan iyada ku xirnayn:

1 – Marka la eego dhanka sharciga caalamka arrintan uga degsan ama kiisaska dhiganka ah ee dacwadohoodu horay u dhamaadeen, Somalia ayaa cad cad oo dooddan hortaalla Maxamadda ICJ ku badin karta.

2 – Sida ay isla Kenya sheegtay, dalalka waawayn sida Maraykanka iyo Britain ayaa u muuqda kuwo u janjeera dhanka Somalia, iyagoo aan iyada u danaynaynin, balse dantooda ka arka dhanka Somalia maadaama ay sharci ahaan dhulkan iyadu leedahay, halka Norway oo ahaa dalkii hankan Kenya geliyay uu kaydka fariistay.

Midda Kenya ku badin karto oo Soomaalida ku xirnan:

Taasi waa kala daadsanaanta, ficil iyo siyaasad la’aanta Soomaalida, tusaale ahaan, maanta oo ay Kenya shidayso dood ka dhan ah danaha Somalia, waxaa ku garab jooga ama iyagoo san dareerto bah dilan doonaya si dadban iyo si toosanba u taageeraya, amaba xitaa umadda jahawareerinaya ama arrintan mid aan sidaa u waynayn u dareensiinaya kuwo sheeganaya inay yihiin mas’uuliyiin Soomaaliyeed, waana kuwaas kuwa ay Kenya ku tashanayso haddii ay yihiin maamul-goboleedyo, xildhibaanno, axsaab mucaarad ah iwm.

Micnaha Somalia haddii ay middan dambe iska tiiro waxay haysataa 3 fursadood, halka Kenya ay noqonayso 0 fursad.

Sidaa darteed, Kenya iyadu weerar ciidan inay soo qaaddo waa arrin uu ixtimaalkeedu 0 ku dhow yahay, balse waxa ku tashanaysaa waa inay Somalia tagoogaha uga jebiso mid aan ku TALO iyo toowfiiq ahayn, balse iyada ka tirsan sida kuwii shalayba dooddan u saxiixay ee taa halla ogaado.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media