Antonio Conte oo ka hadlay waxa uu Inter ku doortay (Taageerayaasha Inter oo digniin soo saaray)

0

(Milano) 31 Maajo 2019 – Antonio Conte ayaa sidii lagu wadayba maanta la rasmiyeeyay inuu yahay macallinka kooxda Inter wixii ka bilowda fasal-ciyaareedka soo aaddan si uu u beddelo Luciano Spalletti oo la diray, balse wuxuu ka hadlay waxa ku riixay inuu ku biiro kooxda Inter.

“Waxaa bilaabmaya cutub cusub oo ka mid ah noloshayda,” ayuu yiri macallinkii hore ee Chelsea iyo Juventus mar uu la hadlayey warbaahinta naadiga.

“Runtii aad baan u faraxsan ahay. Waxaan isku deyi doonaan inaan shaqada ku gudo abaalka kalsoonida ay ii muujiyeen madaxwaynaha iyo maamulayaasha kooxdu.

“Waxaan Inter ku doortay mashruuc han leh oo ku saabsan in kooxda lagu soo celiyo figta sare ee kubadda cagta iyo taariikhda guunka ah ee kooxdani leedahay.” ayuu daba dhigay Conte.

Taageerayaasha Curva Nord ee kooxda Inter ayaa iyaguna war ay soo saareen ku sheegay in ”aanay Juve ahayn” isla markaana aysan iloobin taariikhdiisa madowga iyo caddaanka ah, sidaa darteed ay yihiin dad uu anshaxu hago isla markaana aanay guul oo qur ihi muhim u ahayn, sida ay sheegeen.

Hadalsame Media