MACDAN NAADIR AH: Wax kasta oo aad uga baahan tahay CAMBARKA uu Shiinuhu haysto oo aanu ka maarmin MARAYKANKU + Sawirro

0

(Beijing) 30 Maajo 2019 – Beijing ayaa si adag uga baaraan degeysa inay mamnuucdo ciid iyo macaadin naadir ah oo laga sameeyo birta oo ay u dhoofiso Maraykanka oo sidii CAMBARKII ugu baahan, sida lagu qoray Twitter-ka warqaadka dowladda dalkaasi u janjeera ee  Global Times, kaasoo weliba ka digey inaysan noqon doonin tillaabada ugu dambaysa ee ay Shiinuhu qaadayaan.

“Shiinuhu waxay si dhab ah uga fikirayaan inay xadidaan ciid naadir ah oo ay u dhoofiyaan Maraykanka. Shiinuhu waxay sidoo kale mustaqbalka qaadi karaan tillaabooyin kale,” ayuu soo tweet gareeyay Hu Xijin oo ka tirsan warqaadkaasi.

WAA MAXAY MACAADINTAN NAADIRKA IHI?

Ciidda naadirka ah (Rare earths), birta naadirka ah amaba macaadinta naadirka ah kii aad tiraahdaba, waa isku dhis curiyeyaal kiimikaad oo ka kooban 17 kooxood oo leh baxaalli u gaar ah.

Curiyeyaashani caadiyan naadir ma aha, balse waxaa adag meel qura laga wada helo iyagoo leh tayada loo baahan yahay oo ribban, wayna adag tahay in si macmal ah loo hirgeliyo maadaama ay ka kooban yihiin curiyeyaal ku samaysma kaah-fallo si dabiici ah u falgala sida uranium iyo thorium.

Waxaa kooxdaa curiyeyaasha ah ka mid ah: curiyeyaasha 15 lanthanide (lanthanum, cerium, praseodymium, neodymium, promethium, samarium, europium, gadolinium, terbium, dysprosium, holmium, erbium, thulium, ytterbium, iyo lutetium). Scandium iyaduna waa ka mid ah macaadinta naadirka ah.

Shiinaha ayaa suuqan xoog ku haysta isagoo macaadintaa soo saara oo dhoofiya 85-95%. Sanadkii tegey wuxuu Shiinuhu kaligii soo saaray 78% saanadda guud ee macaadintan naadirka ah.

MAXAA LAGA SAMEEYAA?

Waxyaabaha muhimka ah ee macaadintan laga sanceeyo waxaa ka mid ah; xusuus qaadka kombiyuutarrada, DVD-yada, beteriyada la kaarikeeyo, telefoonnada gacanta, agabyada bedela diqowga ee ku xiran iskaabbamiintooyinka (catalytic converters), birlabta, kaamirooyinka, bikaacyada, ifinta shaashadaha elektaroonigga ah sida mobayllada iyo kombiyuuutarrada, budada cad ee nalalka ku dhex jirta ee iftiinka kordhisa iyo waxyaabo kale.

Ciidamada ayaa iyaguna macaadintan naadirka ah uga faa’iidaysta farsamaynta indha gashiyada habeenkii wax lagu arko, waxyaabaha lagu hago gantaallada, agabyada isgaarsiinta, GPS-ka, beteriyada iyo agabyo kale oo elektaroonig ah oo ay ciidamadu adeegsadaan.

Baahida macaadintan ayaa aa du kordhay 20-kii sanadood ee ugu dambeeyay, waana sii kordhaysaa baahidaasi, sidaa daraadeed, haddii uu Shiinuhu kusoo daro doodda iyo dagaalka ganacsi ee kala dhexeeya Washington, waxay dad badani ku tilmaamayaan inay noqon doonto QUMBULAD DURRIYAD ku dhacday Maraykanka oo aan ka maarmi karin agabyada laga sameeyo macaadintan.

Kana garo in aanu Shiinuhu macaadintan ku darin liiska badeecooyinka uu kasoo dhoofsado Shiinaha ee uu dul saaray tarriifooyinka cusub.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media