”Waa maxay abaalka ay Kenya ku sheegan karto Somalia?!!” – Dunidii oo la yaabban il adaygga Kenya

0

(Nairobi) 29 Maajo 2019 – Kenya ayaa beryahan waddey wax ay ku sheegtay siyaasad ay ku ”ciqaabayso” Somalia oo ka biyo diiddey inay qaadato qayb ka mid ah isla dalkaasi Somalia.

Haddaba, waxyaabaha ay Kenya Somalia ku sheeganayso balse aan kiiskan sinaba loola xiriirin karin waa abaal ay sheegto inay Somalia u gashay, taasoo ay sidoo kale bulshada ku dhega barjeeyaan siyaasiyiin ay iyadu samaysatay, ha yeeshee, ma jiro abaal sugan oo muuqda marka laga reebo xiriir duruufi keentay ah oo inta badan dhiiggaaga ku daaq ahaa.

Intaa kuma harine waxay tan iyo markii ay Somalia ku duushey 2011-kii Soomaalida ku beer dulucsanaysey inay amaankooda ka shaqayso oo dalka ”xasilisay”, taasoo ka yaabisay dad aan xitaa Soomaali ahayn, sida weriyaha Telegraph Adrian Blomfield oo uu fadhigiisu yahay Nairobi, arrintana xog ogaal u ah.

Wuxuu Twitter-kiisa rasmiga ah kusoo qoray:

”Waxaan si joogto ah u maqlaa ”Somalia waa inay ka abaal celisaa duullaanka Kenya. Marka laga soo tago xaqiiqada ah in KDF ay falal dhiig miirad ah ka wadaan Somalia, misna Linda Nchi wuxuu salka ku hayaa danta Kenya ee asxaan Somalia loo galay maaha.”

Hadalsame Media