”Khariidadda la faafiyey waxaa ka dambeeya haraadigii TIGREEGA!” – Mas’uul Soomaali ah oo sababta ka hadlay

0

(Addis Abeba) 29 Maajo 2019 – Mas’uul Soomaali ah oo kamid ah madaxda Itoobiya kuna sugan Addis ababa ayaan weydiiyay waxa uu ku fasirikaro qariiraxadda lagu daabacay bogga wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya iyo kala qeybinta dalka Soomaaliya?

Wuxuu iigu jawaabay ” Waxaa jira wax aysan ogeyn dadka dibadda ka ah dowladda Itoobiya, isbaddalka Aby Ahmed sidi loo baahnaa wali umma-hirgalin oo caqabado waaweyn baa haysta. waxaa hagar-daamo gudaha iyo dibadda ahba kuhaya kooxo isku-xiran oo wali kujira System-ka, kuwaas oo ah haraadiga nidaamki Tigrayga, laakin mid mid ayaa wali loo siibayaa, howshuna waa socotaa.

Wuxuu yiri arrinta Qariiradda waa qeyb kamid ah hagar-daamooyinka ay sameeyeen waana arki doontaa meel cad baa looga soo hari doonaa, qorshahoodu waa in ay furfuraan hadba xarigga uu xiro Aby Ahmed.

Waxaad ogaataa taageerayaashi Tigraygu marnaba raalli kama ahan isbaddalka gobolka, walina laguma guuleysan in system-ka dowladda laga nadiifiyo.

Wuxuu yiri “baarista socota waxaa kamid ah in sababta keentay in Soomaaliya oo lagana reebo Somaliland lagu daro Itoobiya, waa xaqiiq in Somaliland ay ka xuntahay isbaddalka uu wado Aby Ahmed kuna xirneyd maamulki Tigrayga, laakin waxay ahaataba dhawaan jawaab cad ayay dowladdu kabixindoontaa”!

Ma aha kaliya Somaliland ee dhamaan maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa xiriir xoog leh la lahaa maamulki Tigrayga, kuligoodna kuma qanacsana isbaddalka oo waxay wali daacad uyihiin nidaamki hore ee dusha ka ilaalin jiray.

”Gudaha Itoobiya waa la mid oo waxaa isbaddalka ka soo horjeeda qoowmiyado iyo maamullo daacad u ahaa nidaamkii Tigrayga, ama iyagu xukunka doonaya. Sidaa darteed dhibaatada Farmaajo ka haystada Soomaaliya mid ka weyn ayaa Abiy ka haysata Itoobiya.” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu iisheegay in Itoobiya aysan dan ugu jirin la macaamilka qabaa’ilka Soomaalida oo arintaasi ay ahayd marxalad laga soo gudbay. aduunyaddu maanta ma aqbaleyso Itoobiyana diyaar uma ahan dhaqamada maamulki hore, wixi heshiis iyo wada shaqeynta wuxuu dhexmari-karaa oo kaliya labada dowladood ee Itoobiya iyo Somalia.

FG: Mas’uulkan waxa uu iga codsaday in aan usheego shacabka Soomaaliyeed, in aysan kabaqin Itoobiya oo ay ogaadaan in rag Soomaaliyeed oo aan aqbaleynin dhibaateynta iyo kala-qeybinta qaranka Soomaaliyeed ay maanta awood kuleeyihiin nidaamka Itoobiya.

Itoobiyada maanta jirta ma’ahan tii shalay waa mid ay talo iyo awoodba kuleeyihiin rag garanaya qiimaha qaranka Soomaaliyeed, aaminsana in jiritaankoodu uu ku xiranyahay jiritaanka qaranka Soomaaliyeed. ayuu soo qoray Ayaanle Xuseen Cabdi oo ah tifaftiraha @hanoolaato.com.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ayaa sheegay inay raalli-gelin buuxda ka bixinayaan Khariidadii Qaaradda Afrika ee la soo dhigay Website-ka Wasaaradooda, taasi oo dalka Somalia ku dartay dalka Ethiopia.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Nebiat Getchew, oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Addis Abeba waxa uu sheegay in Khariidadaasi laga saaray Website-kooda, isla markii lagu soo wargeliyey khaladkaasi, isagoo sheegay in ay tillaabo ka qaadayaan cidda arrintan ka dambaysa oo dabagal lagu hayo iminka.

Hadalsame Media