Tirada taageerayaasha daawada ciyaaraha Talyaaniga oo gaartey halkii ugu sarreeysey muddo 10 sano ah

0

(Roma) 28 Maajo 2019 – Waxaa Axaddii lasoo af meeray horyaalka Talyaaniga ee Serie A balse marka laga soo tago in ilaa maalintii ugu dambeeysey ay boosas isku hayeen 5 kooxood oo heerka 2-aad ka dagaallamayey iyo 4 isku haysatey boosaska 3 iyo 4-aad ee CL, waxaa aad u kordhay tirada taageerayaasha garoomada oo gaarey heer ay joogeen 10 sano kahor.

Sida ay soo saartay Lega Serie A, waxaa ciyaaraha Talyaaniga garoomada ku daawaday dad ku dhow 10 milyan oo taageere (9.525.758, taasoo ka dhigan celcelis ahaan 25.068 ciyaartiiba), waa tiradii ugu badnayd, welibana ka sarreeysa tii fasalkii 2009-2010.

Kooxaha ugu shacbiyadda badani waa deriska AC Milan iyo Inter Milan oo iyadu ah kooxda ugu sarreeysa iyadoo ay ciyaarteeda daawadeen 1,116.546, halka Milan oo in yar ka hooseeysa ay tahay 1.038.546 (celcelis ahaan 54.636 ciyaartiiba).

3-aad waxaa ku jirta Juventus, oo urursatay 744.670.

Hadalsame Media