Lix QODOB oo ku socda Dowladda & dadka Soomaaliyeed si Kenya looga maarmo

0

(Muqdisho) 21 Maajo 2019 – Dowladda Kenya ayaa muddaba waxay daandaansi iyo daacdaacsi ku waddaa dadka Soomaaliyeed iyo dowladdooda iyadoo iska dhaadhicisay in Somalia ay sidaa ku marsiin karto inay dhul badeedkooda shidaalku ka buuxo uga samraan kaddib markii ay horay u qaadatay dhulka Soomaaliyeed ee NFD oo uu Ingiriisku sharci darrada ku siiyay.

Haddaba, DF Somalia iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa loosoo jeedinayaa ilaa dhowr qodob oo ay khasab noqonayso in Kenya lagula macaamilo, maaddaama ay ku yalmi waydey ixtiraamka iyo xeerinta ay Somalia u muujisay.

Waxaa ka mid ah:

  • Joojinta gebi ahaanba Qaadka ka yimaada Kenya ee soo gala Somalia
  • Joojinta ama yaraynta safarrada lagu tago Nairobi, ilaa ay Kenya bilaabayso inay qiimayso Soomaalida halkaa u safarta.
  • Maadaama ay Kenya dagaal diblomaasiyadeed u caddaysatay Somalia, dowladda Federaalka Somalia waa inay deg deg u codsataa in dalka dhaqse looga saaro ciidamada KDF ee Kenya, oo halis ku ah danaha qaran ee dalka
  • In la joojiyo in maalgashi cusub lagu samaysto Kenya
  • Soomaalida ku nool ama ku ganacsada Kenya waa inay inta goori goor tahay la yimaadaan qorshe ay uga guurayaan dalkaasi inta aysan Kenya hantidooda uga dhicin si sharci darro ah, taasoo ka suurta gasha nidaam kan Kenya oo kale ah
  • Hay’aadka QM iyo Midowga Yurub ee Somalia ka shaqeeya balse Kenya saldhigta waa in lagu amraa inay dhaqse ugu guuraan Somalia. Waayo lacagaha ay khasiraan oo ay 60% Kenya ku bixiyaan waxaa xaq u leh Somalia.Haddii lixdaa qodob dadnimo iyo isku duubni lagu hirgeliyo waxaa hubaal ah inay Kenya ka shallaayi doonto daandaansiga Somalia, malaayiin doollar khasaari doonto isla markaana dhaxli doonto xasarad siyaasadeed oo heer gobol iyo mid gudeedba ah.

    Waxaa Qortay: Naciima Cusmaan

    Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

    Hadalsame Media