”Ma xaaqi kartaan!” – Qashinka Degmada Laascaanood oo ilaalo laga qabtay + Sawirro

0

(Laascaanood) 18 Maajo 2019 – Waxaa maanta magaalada Hargaysa lagu qabtay bandhig lagu maamuusayey 18 Maajo oo ay Somaliland u tusmayso maalintii ay ”Somalia ka go’een” sida ay qabaan.

Yeelkeede, wadooyinka iyo xaafadaha magaalada Laascaanood ayaa lagu gooyay gawaadhida tiknikada iyo ciidamo badan si aan halkaa loogu qabanin olole ay dadka degaanku ku sheegeen ”xashiis guris” ay qashinka iskaga nadiifinayaan.

Sida aannu ka heleeyno ilo jooga Laascaanood, goobaha qashinka ayaa ilaalo gaar ah la saaray, si aan loo qabanin olole ay dadka deegaanku ugu magac dareen ”Maalinta Nadaafada ee 18 Maajo.”

Guriga Gobolka Sool ee degmada Laascaanood ayaa gaar ahaan ilaalo xoogani dusha ka ilaalinaysaa, jeer halkaa lagu qabanayo munaasabadda 18 Maajo oo ay joogeen Wasiirro uu kamid yahay Saleebaan Cali Koorre.

 

Hadalsame Media