DAAWO: ”Ilhaan Cumar waxay astaan u tahay hannaanka FASHILMAY ee socdaalka Maraykanka!” – Fox News oo markale weerar ku qaaday Ilhaan

0

(New York) 18 Maajo 2019 – Intii lagu jirey barnaamij ka hadlaya soo galootiga oo ka baxay hilinka Fox News, weriyaha midigta ah ee Tucker Carlson ayaa weerar ku qaaday Ilhaan Cumar oo uu ku tilmaamay “astaan u taagan fashilka ku yimid hannaanka socdaalka Maraykanka.”

Carlson ayaa dhaliilay sida ay warbaahinta liberaalka ihi uga fal-celisey hindisaha MW Donald Trump ee ku dhisan “u qalmitaan,” halkii “qoysas kala maqan la midayn lahaa” si buu yiri ay Maraykanku u qaataan dadka aqoonta leh ee wax kusoo kordhinaya, ugu yaraanna da’ yar, af Ingiriisigana ku hadla.

Wuxuu deeto doodda soo dhex geliyey Ilhaan Cumar isagoo leh:

“Kuwa bidixda, muhiimaddoodu ma aha haddii dalku faa’iidayo iyo haddii kale. Ilhaan lafteeda ayaa ah astaan muujinaysa hannaanka fashilmay ee socdaalka Maraykanka, waayo qof dalkan neceb ayaa halkan ku yimid kharash ay dadwaynuhu bixiyeen (yacni canshuurta), waxayna u ololaynaysaa in la baabi’iyo hay’adda socdaalka ICE iyo in uu qof kasta oo doonayaa iska soo galaa Maraykanka, haddii uu wax soo kordhinayo iyo haddii kale, qofkii taa diidaana waa cunsuri.” ayuu yiri Carlson.

Halkan hoose ka daawo barnaamijkan oo ka baxay Fox News.

Hadalsame Media