”Waa wax wanaagsan!” – Imaaraadka oo si rasmi ah u qirtay inuu xiriir la leeyahay Israel

0

(Abuu Dabeey) 17 Maajo 2019 – Wasiiru Dowle Dibadeedka Imaaraadka Anwar Gargash ayaa wada hadal ay la galaan dowladda Yuhuudda ku micneeyay ”Ifafaale wanaagsan.”

“In Israel lala xaajoodo waa wax wanaagsan, balse taasi kama dhigna inaan ku aragti nahay [Israel],” ayuu yiri  Anwar Gargash oo warbaahinta kula hadlayey Abu Dabeey.

Dalalka UAE iyo Israel ayaan lahayn xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, balse waxaa la fahamsan yahay inay xiriir qarsoodi ah soo wadeen muddo aad u dheer, kaasoo aad usoo muuqmuuqanayey sanadihii yaraa ee dambe.

Tusaale, Wasiirka Dhaqanka Yuhuudda ee Miri Regev ayaa booqday caasimadda Imaaraadka ee Abuu Dabeey dabayaaqadii Oktoobar 2018 si uu uga qayb galo tartan Juudoow ah, halka ay madaxda Imaaraadku markii ugu horreeysey taariikhda ay laba jeer astaanta calanka Yuhuudda u garaaceen laba ciyaaryahan oo Israeli ah oo hantay billad dahab ahayd.

Halkaana kuma ekaane waxay Wasiirkii u kexeeyeen booqasho magaalo barasho ah, iyagoo xitaa geeyay Masjidka wayn ee ee magaalada oo ah Sheikh Zayed Grand Mosque.

Dalkan Khaliijka ka tilmaaman ayaa ka mid ah kuwa ay Israel ka dhaadhicisay in Iiraan iyo dagaal wakaaladeedyeedu ay yihiin halista qura ee gobolka Bariga Dhexe ka jirta.

Waxaa xitaa jirta xan hoose oo ah inay Israel la wadaan heshiis qarsoodi ah oo lagu dhisayo dowlad sacabooleey ah oo ay Falastiin yeelato amaba guud ahaanba Falastiin lagu daro Israel, balse Gargash ayaa taageeray in Falastiin ay yeelato dowlad ay caasimad u tahay Bariga Qudus.

Hadalsame Media