Kabtankii markabka dagaal ee ugu muhiimsan UK oo xilka looga qaaday arrin madaxda Soomaalida la sahlan + Sawirro

0

(London) 17 Maajo 2019 – Taliyeyaashii hore ee ciidamada Britain ayaa dhaleeceeyay go’aankii Ciidamada Badda dalkaasi ee Royal Navy looga eryey kabtanka markabka dayuuradaha xambaara ee ugu caansan dalkaasi, kaddib markii uu gaarigii shaqada loo siiyey u adeegsadey sidii ”inuu isagu leeyahay.”

Taliye Nick Cooke-Priest, oo ah kabtanka markabka lagu dhisay £3 bilyan oo gini ee HMS Queen Elizabeth oo sidoo kale lagu naanayso ‘Big Lizzie’, tan iyo Oktoobar ayaa xilkii laga xayuubiyey.

Ciidamada Badda Royal Navy ayaa xalay xaqiijiyey in xilkii laga qaaday 50-jirkan, kaddib markii uu isticmaalay gaarigiisa shaqada oo ah nooca Ford Galaxy xilli aanu shaqo rasmi ah ku jirin oo uu fasax ahaa.

Admiral Alan West, oo horay kabtan u ahaa ayaa yiri: ‘Nick Cooke-Priest waa sarkaal wanaagsan aadna u karti badan, waana la yaaban ahay haddii uu daacad darro ku kacay balse ma aqaan tafaasiisha marka ka hadli maayo intaa ka badan.’ Saraakiil iyo shacab badan ayaa iyaguna ka hadlay.

Kabtan Steven Moorhouse, oo ahaa taliyaha markabka HMS Prince of Wales, ayaa loo magacaabay xilka ninkaa laga eryey.

Hadalsame Media