”Waxaan ahay Agaasime!” – Nin muddo sanad ah KHIDAD la yaab leh uga qadaynayay makhaayadda KFC oo la qabtay! + Sawirro

0

(Durban) 14 Maajo 2019 – Arday 27-jir ah ayaa xabsiga la dhigay kaddib markii uu khidad la yaab leh uga cuntaynayey makhaayad ay leedahay hay’adda silsiladda ah ee KFC.

Ninkan ayaa goobta ku iman jirey Limousine kala jiidan, isagoo sheeganaya inuu yahay madaxa laantaasi KFC.

Ninkan aan la aqoonin oo la sheegay inuu dhigto Jaamacadda KwaZulu Natal University ayaa sheegtay inuu ka socdo madaxda sare ee KFC oo uu Durban u yimid si uu u hubiyo tayada cuntada dadka la siinayo.

Ninkan ayaa isagoo si cajiib ah u lebisan, baabuur kala jiidanna ku jooga, ayuu wuxuu u xaluulan jirey jikada makhaayadda, isagoo wax qor qoranayey kaddibna samballo ka qaadan jirey cunnooyinka.

Wuxuu iska dhigi jirey nin aqoon u leh hilib digaaggga, isagoo sita ID Card ay ku dheggan tahay inuu yahay  ‘Madaxa xafiiska dhexe’ wuxuuna kaddib cuni jirey ama qaadan jirey cunto bilaash ah, sida uu qoray Daily Active Kenya.

‘Dabcan wuu usoo shaqeeyay KFC waayo wax kasta wuu yaqaanney.’ ayuu yiri qof ka tirsan shaqaalihii makhaayadda.

Hadalsame Media